AABOW LA' AANTAA!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

AABOW LA' AANTAA!!!

Post by KingWaslawi »

Aabbow la’aantaa

Ma dhismeen adduunkani

Ilme kuma dhasheenoo

Ubad laguma koriyeen

Iskumana filladeen

Laguma ilbaxeenoo

Orad laguma gaadheen

Oogada daxayoo

Aalad looma fuuleen

Xidigaha kan ololoo

Cirku aqal ma yeesheen

Baddu edeg ma noqoteen

Dhulka lama oggaadeen

Sina lama dhudhumiyeen

Aabbow la’aantaa

Amba qaadka geediga

Sidan uguma guurteen

Qaaradaha adduunyada

Layskuma arkeenoo

Ilays aan bakhitiin iyo

Nuur lama adeegteen

Iibkiyo ismaqalkuna

Uma hawl yaraadeen

Afartan bixiisuu

Ilmuhu kugu gartaayoo

Aduu kugu hadaaqaa

Wuxuu kuu intifaacaa

Waa ababintaadoo

Ruuxanad aabbow

Magac ugu wan-qalinoo

Ku ulayn waxbarashada

Inta uu aflaxo qallin

Cilmi kuma ugaadhsado

Wax islaani dihataba

Oday baa u dhibtoo

Waxa laga ummuliyaa

Waa ammaanadiisee

Dhuux oday ka gororaa

Ajal laga abuuraa

Mana aha isaga qudha

Isla kaashigooday

Ku dhan tahay amuurtuna

Illintaanad ka hadhayn

Waa aqal madowoo

Ayaantaad ka maqan tahay

Reerka waaw indha la’aan

Aabbe dhimashadaadiina

Ubadkaad dhashaybaay

Agoomaynaysaayoo

Ooridaad ka hoyataa

Asaydaada qaadoo

Ka dul ooyda axankoo

Inta aad u nooshahay

Amma aad agjoogtana

Ma abaarsadaanoo

Asaagood ma dhaafoo

Mana arag xumadaan

Inkastooy udgooneey

Dawo tahay urteeduna

Inay aabbe hooyadii

Saddex jeer inaan hubo

Ay igaga xaq leedahay

Asaraari maayee

Aadmigu ma gudi karo

Inta ay ku leedahay

Iyadana ilaah baa

Abaalkeeda maxiyee

Adna aabbe waligay

Ku illaawi maayee

Marka aad dhashaa wiil

Aabbihii u eeka ah

Aan laydin kala garan

Isaga iyo adigoo

Inta aad astaamaha ragnimo u leedahay

Kaa raacay adigoo

Isku mida dhashaa baa

Aabbe lagu xasuustaa

Markaad aftahan nina

Aararta golihiyo

Intuu hadalka leeyahay

Xarago u yidhaahdoo

Ay dhabana haysuun

Ashqaraar raggii kale!

Daawadaan afkiisuun

Dadku ina ayadiisay

Iswaydiinayaanoo

Amakaag dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa!

Markaad ubaxle deeqsiya

Asal iyo hidaba u leh

Ergo sooryadeedoo

Socotada u roonoo

Baahnaha u dhaga nugul

Martidana abeerkiyo

Awrka raraygaa

Igadh kaw bireeyoo

Inta uu dab uga shido

U dugsiya ardaagoo

Ku afuriya sheekoo

Markaad nin gobahiyo

Astur aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad iidle samiliyo

U asgogola nabadoo

Eelkyo balaayada

Aafada dagaalkiyo

Neceb uus-dhabaaqoo

Oggol nolosha ruuxoo

Aayaha ka taliyoo

Ammaan aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad indheer-garad

Xaajadii adkaatiyo

Garta loo igmadoo

Alla kuma cadaabaan

Ka fog eexashada

Oday biri-ma-gaydo ah

Aqoonyahan dhashaaba

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad Aabi maansada

Ilaahay u sakhiro

Suugaantu uurkyo

Ooftiisu jiifto

Eray bixin yaqaanoo

Afti laga dhaxlaayoo

Markaad nin ood sare

Ka aleen tumaayoo

Sida Abu Hadroo kale!

Abwaan aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad abaabule

Aloosaa far-shaxanoo

Ololleeya sacabkoo

Iba saara jiibkoor

Aad u cod macaanoo

Asalu ah dhaqaha culay

Abated dhashabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Marka aad nin eebeda

Halka ay u eeg tahay

Ku abbaara warrankoo

Ehelkiyo xididkiyo

Oosha iyo dariskana

Iyagana u samir dhaw

Ay shareeraan libintiyo

Agablada ka qaatoo

Marka aad nin ficilada

Adin iyo af iyo gacan

Adna kuugu hiishoo

Aarsada dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad uruurshe diimeed

Aaminay Quraankoo

Ku afdheer kitaabkoo

Dadka ku abhinaayoo

Ifka ka hindisoodoo

Xaqa ku adimaayoo

Markaad udub dhexaad culus

Imam la jecel yahay

Aw hebel dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad Weli iftiinsho ah

Ishaaro iyo karaamo leh

Amma afartii khulafada

Asaxaabihii hore

Amma Nebi Ilaahay

Ummad uu u soo diray

Ambiyo dhashaabaamarka aad nin aashii

Isu soo diyaarshoo

Xilku waa amaanee

Oogadiisa saaroo

Oofiya walaha iyo

Axdigu ku dhaartoo

Aan u kala abtirinoo

Dadku u siman yahay

Markaad isaga tudhe

Uskag inuu xanbaartiyo

Hogaan laguma iisha ah

Aayatiin dhashaabaa

Aabbe agu xasuutaa.

Markaad guur awoodaa

Ugub loo hanweyn yahay

Inan uu gayaankeed

Aqoonsaday inay tahay

Isir iyo ab-loo-raac

Inan uu Ilaahay

Asluub iyo dheg iyo sharaf

U dhameeyey quruxoo

Ku manaystay edeboo

Idman labada beelood

Hadduu eel dhex yiil hore

Isu soo dhawaysoo

Aramida bogsiisoo

Utun lagu ilaaboo

Markaad indho u roon

Marwo laga aroostaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Noloshaada aabbow

Waa udubsigaygoo

Aabbe geeridaaduna

Way uubataysoo

Halka lagugu aasaa

Kolba eegayaayoo

Iilkyo xabaashaan

Ka ag meerayaayoo

Aayadaha Quraankiyo

Waxaan kuu akhriyayaa

Aaminta ducadiyo

Faataxada Abboow.

Dambigaaga aabbow

Iaahay ha dhaafee

Inta Nebiga aakhiro

U shafeeco qaadana

Ilaahay ha kaa dhigo

Aamiin…Aamiin…. Abwaan Aadan Tarabi Jama
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: AABOW LA' AANTAA!!!

Post by KingWaslawi »

Seems no one cares about Father :cry:


If this was Hooyo topic dalaq baa lasoo wada odhan lahaa. :idea:
User avatar
FarIyoAlif
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 831
Joined: Thu Nov 15, 2012 7:55 pm
Location: Farhareeri - Heegaale - Sararaweyne - Buuhoodle | Samatar Baxnaan's successor

Re: AABOW LA' AANTAA!!!

Post by FarIyoAlif »

allow aabayaasheen u naxariiso :blessed:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: AABOW LA' AANTAA!!!

Post by KingWaslawi »

^^

Aamiin Ya Allah, Ya Rabbal Aalamiin....Aamiin
User avatar
Hibonuraa
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 399
Joined: Wed May 09, 2012 1:23 pm
Location: Goljano iyo guryasamo

Re: AABOW LA' AANTAA!!!

Post by Hibonuraa »

Ilaahow cafis iyo cafimaad if iyo aakhiroba aabayaasheen :blessed:
laba qof oo is jecelba wad baa kala qaada illahay aabahay ha u naxariisto :cry:
User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Re: AABOW LA' AANTAA!!!

Post by guhad122 »

Reer Barigu waxay yiraahdaan "Heedhe aabe waa nin kacsaday"; :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”