Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bullets

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bullets

Post by oxymoron »

Dagaalkii ka socday Kismaayo oo Istaagay iyo Waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay

Image

:mindblown:

:blessed:

:whew:

Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu istaagay dagaal xooggan oo saaka gudaha degmadaasi ku dhexmaray ciidamo beeleedyo ka tirsan dowaldda Soomaaliya iyo ururka raaskaambooni.

Wararkii ugu danbeeyay ee degmadaasi naga soo gaaraya ayaa sheegay in cutubyo katirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku guuleeysteen in ay kala dhexgalaan dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Mid kamid dadka ku dhaqan Kismaayo oo HOL u waramay isagoo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina labada dhinac ay isu adeegsanayeen hub fudud iyo madaafiic.

Dagaalka ayaa la sheegay in xooggiisa uu ka dhacay xaafadaha calanleey, Farjanno iyo xaafadda Fanoole, waxaana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaare xooggan oo kala gaaray labada dhinac wallow aan la heyn xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay inta uu ogyahay in dagaalku ay ku dhinteen ku dhawaad todobo qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo, iyadoona la sheegayo in dhaawacu intaasi ka badanyahay.

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka, haseyeeshee wararka ayaa sheegaya in lagu guuleeystay in lakala qaado labada ciidan, islamarkaasina ay imika soconayaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyadii ay dirirtu u dhexeysay, kuwaasoo ay wadaan waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconeeysay qabanqaabada shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka, kaasoo la filayay in uu maanta furmo balse uu dib-u-dhac ku yimid kadib markii ay shirka kasoo qeybgali waayeen wafdi laga sugayay dhanka dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
Hnur@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bulle

Post by oxymoron »

Just spoke with my cousin in Kismayo, and he has told me things have calm down. The situation is under control. :blessed:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bulle

Post by Somalistan »

Lady Nas that pic is Hargeysa.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bulle

Post by hargaysaay »

yaakhi masajidkan miyanu ahayn kii ku yaalay sabaxareed aad buu iila eegyahay kaa
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Breaking News: Jubbaland Conference Kicks Off With Bulle

Post by Somalistan »

Sabaaxareed waa kee? Ma kii laamiga dheeraa ee qurac dheer marka xaga total loo socdo? maya ilamaha.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”