Taariikhda Geelii Luqma Dheere ee Ogaden kaso dhacay Isaaq

WiilSheeko
Posts: 5
Joined: Sat Aug 29, 2009 1:51 am

Taariikhda Geelii Luqma Dheere ee Ogaden kaso dhacay Isaaq

Post by WiilSheeko »

Xiligu waa bilowgii qarnigii labaatanaad, wixii udhaxeeyay 1900 ilaa loo soo gaadho 1918'kii, waxyar ka hor jabkii Daraawiishta, sida la sheegayna abbaaro baa jiray ay ka mid tahay, tii la magac baxday "Xaaraame-Cune".

Dhulku waa Hawd, gaaladuna utaqiinay"Reserved Area", waa dhul fiican oo daaqsin wanaagsan leh markii ilaahay roob siiyo.
Dhowr qabiil oo Soomaaliyeed baa dhulkaas eebbe ku beeray oo xuduud ahaan geeloodu wada daaqaa.

Xiligaas iyadoo la joogo, dadkuna yahay Soomaali, waliba xoolo dhaqato ah , dhibkoodu ma yara iyo is-dhacooduba.
Ninkii xoola guuraba, wuxuu faraska kooraha u saartaa inuu xoolo kaloo ka xaarraan ah dhaco.

Qisadani maanta waxay ku saabsatan labo ninoo walaalo ah oo la kala odhan jiray Ayjeex Cali Beenalay iyo Maxamuud Cali Beenalay iyo geel la magac baxay "Luqma Dheere", oo col Ogaadeen ahi soo dhacay, Maxamed Subeyr, Reer Isaaq, khaasatan Reer Cali ah.

Geela waxaa laga soo dhacay Beesha Isaaq, ee Garxajis,colkaasna waxaa amaanduulle ka ahaa Ayjeex Cali Beenalay oo ah da'dii ka yareyd gabyaagii weynaa ee isna Col-wadeenka ahaa ee la odhan jiray Maxamuud Cali Beenalay.

Colkan uu Ayjeex Cali Beenalay ka yahay Amaandulaha waxay galeen beelo Isaaq ah, khaasatan Ciidagale oo mareegaha loo furay, neef ciyayana aan lagaga iman oo geel ah.

Geel aad ufaro badan baa laga soo dhacay Ciidagale, oo colkii Ayjeex Cali Beenalay watayi waa soo libaysteen.

Labadan walaalaha ahi iyo tolkii ay ku dhex noolaayeenba, waxay si buuxda oo weliba dheeraad ku jiro u gutay waajibkii saarraa xilliga, degaanka iyo duruufaha uu ku noolaa.

Waajibka nin rag ah oo xaaladdaas ku nool hor yaalley wuxuu ahaa in uu rag iska celiyo, in uu dalkiisa iyo duunyadiisa difaacdo, iyo in uu magaca tolka ilaaliyo wax walbana u huro. Intaas oo jeer ayay qaddiyaddaas nafta u biimeeyeen.

Waa dad waligood roorayey diillinta ay geerida iyo noloshu ku kulmaan. Balaayada isagu halkeeda ha ku doonto ama iyadu ha soo doonatee, goor walba wuxuu dalqada ugu jirey shooladda dhimashada.

Maxamuud Cali Beenalay oo degmo kale xiligaas ku maqnaa oon isagu doorkan colka la socon, yaa wuxuu maqlay markii la qaadh baxshay ama la qaybsaday, tiro fiicani inay kusoo hagaagtay walaalkii Ayjeex Cali Beenalay oo isagu markaas hal gabay iyo hashii Col-wadeenimo iyo saami kaleba isku darsaday.

Maxamuud Cali Beenalay wuxuu soo amba baxay, isagoo hadafkiisu yahay geelaa Isaaq iyo Ciidogale laga keenay inay wada qaybsadaan, ma daamo xeer soomaaligii horre iyo caqliga saliimka ahiba dhigayo in labada ruux ee walaalo ah ay wax is weydiisan karaan, waxna wadaagi karaan.

Maxamuud siduu mooday ma aysan noqon oo Ayjeex waa diiday inuu saamigiisii la qaybsado walaalkii, aad buuna uga dhago adeygay.
Dhowr jeer buu Maxamuud baryada waday, waxse ugama naaso cadaan baad moodaa, oo Ayjeex nin kani adag buu ahaa, lexa jeclada geeluna ku weyntahay.

Ayjeex Cali Beenalay oo gabyaa ah, wuxuu hadafkiisii ku cadeeyay gabaygan, uu kala hadlayo walaalkii Maxamuud.

Waa gabay uu ku muujinayo, geelan sababtii loogu duulay, waliba si kibir leh buu uleeyahay , Geelan dhicidiisa gaajoba iima geynine, Isaaq baan udiidana dhaqashadiisa oo isaga Ayjeex aragti ahaan ugu muuqatay , in Isaaq yahay qabiil aan uqalmin nasab ahaan dhaqashada geela.

Waa marka labaade wuxuu hadal kusoo jaray, Walaalnimo waxaad igaga helo wax kalood i weydiisatee, geelse hadaad i weydiiso adaaba iga waalan Maxamuudow, amaa nin dhiman hayaad u ektahay igu dul meereyso, buu kusoo khatimay Ayjeex.

Gabaygii Ayjeex wuxuu yidhi;

Wax-xun iyo nin liitiyo markay guni is weyneysay
Ee wagaashe foofsaday irmaan yaan ka weyraxaye
Warmahaan la dhacay Ciidagale waax dhan baa maqane

Wadar meela wadar meela iyo wadar kaloo meela
Waro dhiig ah waa taan dhigee faras ku weernaaye
Waa waalan yahay Geel ninkii wax iga moodaaye

Waaciidsi aan wax kala heliyo weheshi mooyaane
Walaalnimo ninkii doonayow Haba i weydiinin
Haddii kale wedkaa baa galee igu wareegeyso


Maxamuud Cali Beenalay oo yaaban , xoolo fiicana laheyn, yaa garan waayay wuxuu sameeyo.

Dhanka kale ee beeshii lasoo dhacayee Isaaq, aad baa laysu guubaabshay oo geelaa Ogaadeen dhacay looga hadlay.
Nin Habar Awal ahoo deegaankiisa ahaa Berbera, ayaa fariin soo faray nin Ciidagale ahoo la odhan jiray Xaye Galaydh.
Ninkaasi geelaa colkii AyJeex watay soo dhacay buu ka hadlay, Ciidagalena wuu canaantay, sababta geela looga qaaday.
Wuxuu yidhi;

Xayow Galaydh ninkii garanayaan gabay usheegeeye
Garta lama maqiiqee adaa gooyay maansada'e
Gaboodkiyo laftaan kaa jecloo geesi baa tahaye
Igana gur berana gee tixdaan sii girgirinaayo
Golahana ka sheekee Gun baa lala gaboodaaye

Waxaad Xaaji Good iyo tidhaa geesta Maxamuuda
Awalba geela waad dhaqan jirteen Geydho iyo Laane
Maaraha gigtiisaad sidii galow ka yaacdeene

Goortaa genkiinii madhaad nagu gumowdeene
Gelanaadadii Ciidogale laga gol roonaa dheh
Geestaad jirteen baa isaaq looga soo galay dheh
Aleylehe Wax lama gaaciyee laydin garan waa dheh


Geelaas qisadiisu isagoy sidaas tahay, AyJeex kibir la hagoogtay, Maxamuud Cali Beenalayna aan waxba laga siin halihii la qaybsaday, ayaa sida la wariyay maalin maalmaha ka mid ah, Maxamuud gooshaash yimid maro kasoo iibshay ganbo ah oo uu haweenaydiisii ugeeyay.

Sida la wariyay haweenaydii way saluugtay maradaas Maxamuud u keenay, oo waa dumar iyo xaaladiiye, waxay aad ugu nuux nuuxsatay, hadduu xoolo fiican leeyahay inuu ganbo taa ka wanaagsan usoo iibin lahaa.

Maxamuud oo hadalkii horre ee walaalkii Ayjeex iyo diidmadiisiiba ka cadheysan, ayuu hadalkan haweenayadiisuna ugu darmaday.

Maxamuud Cali Beenalay haweenaydiisa ayuu damcay inuu gabay ugu aqli celiyo, si kululse buuse ugu canaantay, wuxuu kow usheegayo inuu xiliga kale ay fursadu usoo marto inuu maro wanaagsan ukeeni doono.

Waxaase la yaab ah, in haweenaydiisa uu ku sasabayo, Geela aan Isaaq ka soo dhici doona, Habar-Awal, Reer Xildiid, khaasatan jifada la yidhaah Reer Yuusuf ee ku dhashay gabyaa la odhan jiray Aflow, markaan kuwaa soo dhaco, Geela aan ka helo, yaan maro wanaagsan kaaga iibin doona.


Wuxuu yidhi Maxamuud Cali Beenalay;

Naag yahay garaad li'idu waa geedka kugu yaale
ceeb haddii aad leedahay caqligu kuguma gaabteene

Waxaan kuugu soo gaday ta kale inaad ku gaadhaaye
Inay gaaban tahay waan arkaa gaasirkay tahaye

Ganbo aad ah Reer Yuusuf baa guga laguu siine
Waxaan soo garaacaba haddaan gagida soo taago
Beesado guduudani malaha wayga soo galiye

Ilkahoo guntood wada galgalan sida gamaareyda
af aad gudimo oodeed jabtiyo awr garbala' moodo
Nin gafuurka Ina Xayd arkaaan gadan aqoonayne


Sidii nin walboo xiligaa jooga badankood sameyn lahaa buu ku dhaqaaqay Maxamuud, oo maxay tahay? Col buu qalqaalay siduu gabaygaas korre kusii sheegtay.

Maxamuud Cali Beenalay wuxuu sameeyay nidaam iyo xeer xiligaas bulshada nooli caadi utaqaanay.

Nin walba oo jifada uu ka dhashay ah, Waa Reer Cali oo waliba Bah-Axmed ahe, wuxuu furay dayrtan dayrteeda kale in nin waliba qori la yimaado.

Ninkii Ilma adeernimlo iyo tolweynaha Ogaadeen qorri kasoo heliyow, doonu buu yidhi, ninkii reer abti cid utahayoow, abtigaa udoono qorri, ninkii gabadh cid ka qabowna , seedigaa iyo soddogaa udoono qorri, Baha-Axmed nin waliba kobtuu ku tuhamayay hub buu udoontay.

Xiligii balanku ahaa baa laysu yimid oo la baxay, colkan waxaa wata Maxamuud Cali Beenalay.

Sidii loo sii socday ee la dhaafay Banka Balaadh, yaa la istaagay Laba-Xaraf meeja la yidhaah ee Hargeysa agteeda ah.

Waxaa la galay jifooyin Habar Awal ah oo Sacad Muuse oo geelal badan laga soo dhacay.

Jifada waliba aadka loo soo dhacay waxay aheyd jifo Sacad Muuse ahoo la yidhaahdo Reer Hawade oo Reer Samatar ahoo Sacad Muuse ah.

Maxamuud Cali Beenalay geela kali ah masoo dhicine, Farasna wuu soo dhacay la odhan jiray "Qaawane".
Lama hubo in faraska horray loo odhan jiray Qaawane, iyo in markuu Maxamuud Cali Beenalay uu isagu ula baxay magaca ah Qaawane.

Maxamuud Cali Beenalay waa gabyaa badweyn ahe, colkii geela waday buu ku haasaawiyay gabaygan faanka ah ee badanaaba gabyaa Soomaali ah markuu soo dhaco ay mariyaan.
Waa gabay uu kaga sheekeyno, uruurintii colkan qaabkuu umaray, wuxuu kaloo liidayaa nimankii uu soo dhacay oo uu leeyahay awood ay igu xajiyaan ma aysan laheyn.


Wuxuu yidhi Maxamuud Cali Beenalay;

Gun baa kala dhaqaaqdee waxaan dhidibka aasnaaba
Waxaan timaha dhuubkooda sare dhuuxa marinaaba
Waxaan goolka dhuuntaw jaroon dheega ka cabnaaba
Dhiigleyda hoorka ah waxaan qamarka dhaanshaaba

Dhalaankiyo haweenkuba waxay dhebi lahaadaanba
Dhibba wiilashii jirey waxaan uga dhawaaqnaaba
Dhalinyaradu hawdkaa waxay dhadan dhateysaaba
Sida Aar dhacoodi ah waxaan dhaxanta meeraaba

Dhudhun iyo laxaad iyo haddaan dhalasho loo sheegan
Kii dhaqay dhafoorkiyo haddaan dhaadka laga toogan
Dhowdii ugaaskiyo haddaan xoogu nala dheelmin
Marnaba dheeha kama oon baxdeen dhuuxii Sululeede

Dhibaad iima siin oo tolnimo ugama dhowreyne
Dhoolaal miyuu reer Hawade igu dhaqaaleeyay
Inyaroo horweyn lama dhuftee kuman masoo dhaafshay

Dhunkaal bay ka tahay caano geel oy dhadhamiyaane
Dhaxalkeeda nimankii lahaa dhabarku naafowye
Dharbaaxada xigtana Qaawanaan dhowro leeyahaye

Dhaqaalaha Ogaadeenba waa dhac iyo duulaane
Dhabaha loo maraa baan aqaan Dhogor-Idiinleeye
Dhoon baan ka buuxsaday nirguu dhaqayay Iidoore
Dhigi maayo dhamacdaan watiyo qorigan dhowleyne
Markaan kula dhaqaaqnaba baqey dhagac ka siiyaane
Dharjaceey maloo noqon haddii Dhool la ridan waayey
Dhiicada day Aw-Jaamac muu dhiciyo geeliisa


Aw-Jaamac Amaba Sheekh Jaamac wuxuu ahaa wadaad caan ahoo Habar-Awal oo jifadaas aan kor kusoo xusnay, sidaas la adligeedna Maxamuud kusoo halqabsaday.

Geelaa waxaa lagu qaybsaday Awaare, oo ninba tiro fiican ka helay, Maxamuud Cali Beenalay oo isagu Hasha gabay iyo hashii Col-wadeenba isku darsaday baa ugu tiro badnaa.

AyJeex Cali Beenalay baa soo istaagay doorkan isna oo damcay inuu xoolaha walaalkii Maxamuud helay wax ka weydiisto.
Maxamuudse ma ugaraabay mise wuu la yaabay? Wuu la yaabayoo, War Ayjeex aniguba markii aan ku baahnaa, waad ii diiday geelii aad soo dhacdaye, maxaa kayga aad u rabtaa bay noqotay doodu.

Kalgacayl walaalnimo markii aan kuu soo dugsaday soo ninkii i laaday ma tihid, soo ninkii ii jixin jixi waayay ma tidhi buu yidhi Maxamuud
Waa gar lama jiidhaan ah, oday walina qiray in Maxamuud ka gar joogo AyJeex.

Gabay buuna raacshay aad u faafay oo caan noqday, banaankaana soo dhigay bakhaylnimadii Ayjeex.
Wuxuu yidhi Maxamuud Cali Beenalay;

Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso
Ood laba legdaysood hurdada aad uledi weyday
Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine
Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye
Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyay Ayjeexe


Wax la wadayba waa ay heshiiyeen ilma Cali Beenalay, waa laba ninoo walaalo ahoo ilaahay is badaye.
Xoolihii ay horray ukala madheena, waa isku soo ceshadeenoo wadajir bay uraacdaan wada dhalasho ku jirto.

Muddo markii nabadi dhexdooda tiilay, ayaa waxaa timid gabadh Ina Cali Beenalay oo dhibaad doon ah.
Waa xeer soomaalidii horre iyo tan eeggaba aad uqadariyaan, in gabadh walaashaa ahoo wax kusoo mooday, awr loo raro lana kaxeeyo.

Ayjeexse nin arimihaasi xidhaan ma aheyn, Maxamuud oo arinta uguuxay oo doonayay inuu gabadha wax siiyana, isagay is mari waayeen.
Maxamuud wuxuu go,aansaday inuu gabadha dhibaadiyo, taa ka horse gabay buu marshay uu Ayjeex ugu aqli celinhayo.

Xishoodka iyo wanaaga aad iga aragtaba waa taan kaa weynahay buu yidhi, Gabadh kula dhalatay miisaanka ay leedahayna wuu utilmaamay.

Wuxuu yidhi Maxamuud Cali Beenalay;

Garaad-laawe AyJeex Calow waxaanad ii guulin
Gadhka iyo waxaad labada low kay isugu geynin
Oo aadan gafuurkiyo indhaha iigu wada gowdhin

Geel soo ma qaadide anaad geesi ii tahaye
Hashaan guriga keenaad tidhaa waan ku geesi marine
Gefkaagana ma qaateene waan kaa gu' weynahaye

War waa gaagur kuu xidhan waxay gabadhi heysaaye
Walaalow galshada ii irmaan hayga gudhin eegah



Intaa haddaynu kaga gudubo, AyJeex Cali Beenalay iyo Maxamuud Cali Beenalay.

Waxaa soo cusboonatay beryahaas oo hor laheyd dagaalo dhex maray jifooyinka Reer Cali , waa Jifo Reer Isaaq ahoo Maxamed Subeyr ah.
Reer Cali baa wuxuu isu laayey, Reer Guuleed Allamagan iyo Baha-Axmed.

Waxaana laga kurkur roonaaday Baha-Axmed oo markaas tiro ahaan la dheeraa, Maxamuud Cali Beenalay iyo niman kaloo Baha Axmed ahi muddo ayey hoos uguureen oo lay dageen jifooyin Reer Cabdille ah oo la yidhaah Reer Ugaas Samatar.

Iyadoo qiso kobtaa mareyso ayaa waxaa soo gabyay nin la odhan jiray Aflow oo udhashay beesha Isaaq, khaasatan Habar Awal.

Aflow oo ku faraxsan nimankan is dilay ee Ogaadeen , ayaa ku nuux nuuxsanaya sida mar hadii tolkaasi kala furfurmay aan isaga iyo isaaq danbe loo soo weerareynin oon geel loo dhici doonin.

Aflow laba gabay buu mariyoo mar wuxuu yidhi;

Qayli iyo Maraykaan haddii la isku qodobbeeyo
Iyaba waa qilaaf laba Maroo qaarba cayn yahaye
Qaraamaad Qacleey iyo Hadhuudh Qabadigii Heedda

Quddayow la soo ururiyiyo Dhuuni Toban Qoys ah
Ogoobey ninkii quud ka deyey waw qashiinnimo'e
Qaska Waranka nimankii Futada laga Qoddeynaayey

Sidii Qaalin Layli ah kuwii qun u hagaagaayey
Waa Quduro oo waa iyagaa qaatay Maarraha'e
Indhawbey qacdii iyo qucdii ka qatanaayeene

Indhawbey Haweenkay qabeen Qani is moodeene
Guuleedkan kala qaystay bay ku qoslanaayaane
Markii labada qoorood heshiis qad'ada loo doortay

markaasaa sidii Qabay dhanaan la qabsan doonaaye
Alloow yaa intaan qabar ku dhicin kala qollaysiiya
Oo Qoysba Qoyski uu ahaa Qaalinka u raacsha


Gabaygaas korre wuxuu ku kala furayaa isbaheysiga Baha-Axmed, wuxuuna isku sii soofeynaya dirirta dhex taal Reer Guuleed Allamagan iyo Baha-Axmed.

Waa gabay xeelad dagaali ku jirto isna dan u ah, hadii ay natiijo kasoo baxdo, maadaamo oo cololkii joogtada ahaaa ee isaga soo weerari jiray uu hada kadib ka nasan doono.

Gabay labaadna wuu mariyay Aflow oo uu si gooni ah uga hadlayo ina Cali Beenalay iyo nin kaloo ina adeerkii ahaayoo Gunnad la odhan jiroo isna geel qaad ahaa, oo uu leeyahay mar hadii adi iyo tolkaa aad isleyseen, Col dambe iyo geel midna iga dhici meysaan, gabay digasho ahna iisoo marin meysid.

Wuxuu yidhi Aflow;

Godob nimaad lahaydeen haddii Geeri lagu sheego
Ogoobeey Gibladu waa Asuul inaad garaacdaaye
Gunnad iyo hadaba Beenaleey Geel ha dhiciyeene
Intay debedda Gaadh ula baxaan gabay ha sheegeene


Labadaa gabay markii loo keenay Maxamuud Cali Beenalay oo Nogob jooga, ayuu kasoo jawaabay.

Intuusan soo jawaabin baa nin ag joogayi yidhi, War Maxamuudow maxaad Aflow kala hadli, waa nin dhacanoo ku faraxsan islaynta Ogaadeen dhexdiisa ahe.

Maxamuud wuxuu gabayga ku tilmaamay, marka horre ninka la hadlay buu ujawaabay ee yidhi ha gabyin, oo uu ku leeyahay, "Qayl" inaan ujawaabo dhowr sababoob baa sababtay," Qaylku waa aflow" ninka loola dan leeyahay.

Sababihiina wuxuu ku tilmaamay tusaalooyin badan oo uu markaa liidayo mudnaanta ay ku dhex leeyihiin nolosha aadmiga, hadiise laga dhaga adeygo dus-dusleeya sida dabayl-xagaa.

Wuxuu Maxamuud Cali Beenalay yidhi;

Inaan qayl haraatiyo waxaan kaa isaga quudhay
Qushaash aqalka kuu yaalaa waa layska qaadayaa
Qoordiidka timihiisa waa laga quseeyaaye
qarandidu xabaal aasan bay qufan taqaanaaye

Qudhaanjaduna geedaha ayay qolof ka diirtaaye
Qolqolkuu ka qowqow yidhaa ayga qooqanuye
Haduu qaran ku mudo dhiiga wuu kaa qulquliyaaye

Haddaan qolo yarowaha gunta ah qowda laga saarin
Kolkuu qoorta taagaba haddaan hoosba loo qabanin
Soo inuu qureesh yahay hadhow buug ku qoran waayo


Waxaa qoray Faarax-Geeydh

FaaraxGeeydh@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”