KISMAAYO (RBC) Guddoomiyaha Jabhadda Raskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ahna gudoomiyaha maamulka ku-meelgaarka ee Kismaayo ayaa goor dhow kulan ay la yeelatay Shabakadda Raxanreeb wuxuu kaga warbixiyey shirkii maanta duhurnimadii ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo kaasoo ay ka qeybgaleen ergo lagu qiyaasay illaa 400 ruux.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ka bilawday Kismaayo maanta uu yahay daahfurkii shirweyne la damacsan yahay in maamul loogu dhiso gobollada Jubbooyinka oo ka kooban Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
“Maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay furitaankii ama daah ka furkii shirkii maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo ahaa shir in badan la sugaayey.” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo waxyar ka dib markii uu shirka furay la hadlay Raxanreeb.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka maanta ka bilawday Kismaayo uusan ahayn mid sidii la rabay u wada dhacay isagoo sheegay in markasta ay jiri karaan waxyaabo dib u dhac ah ama ka dhiman shirka.
“Shirkaas oo in badan la sugayey haddana ma uusan noqon in boqolkiiba boqol uu dhacay ama qaabkaa uu noqonayo, wuxuu ahaa in daaha laga furo, iyadoo aan tabeyno weli in dad badani naga maqan yihiin. Waxaan tabeynaa dawladii inay maqan tahay oo aan ka sugeynay inay noo yimaadaan- waama sugeynaa. Waxaan kaloo sugeynaa iyana inay noo yimaadaan ergo iyo nadoono kale oo ka imaanaya deegaano kale oo gobollada Jubbooyinka ka mid ah.” ayuu sii raacisey hadalkiisa.
Raxanreeb waxay weydiisay in mar haddii dawlada ka maqan tahay shirka isla markaana aysan furin, maxaa lagu tilmaami doonaa natiijada ka soo bixi karta shirka?
Sheekh Axmed Madoobe wuxuu ku jawaabay;
“Maqnaashaha dawlada waa dhib, raalinna kama nihin, waana sugeynaa. Waxaana rajeyneynaa in dawlada shirka iyadu hagto, xirto shirka, wax sameyntiisa ogaato khaladaadkiisa saxdo. Dawladu marna kama maarmeyno, iyadaa muhiim u ah shirkaan, waa dadweynaheedii.”
http://www.raxanreeb.com/2013/02/sh-axm ... i-sawirro/

