ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Post by AhlulbaytSoldier »

Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in laba Mowqif oo kala Fog ay kala Taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya (SAWIRRO)

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga oo uu ka furmayo shir lagu wada-hadalsiinayo Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay soomaaliya ku qancinayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen madax banaanidda Somaliland, inkastoo ay laba mawqif oo kala durugsan la kala taagan yahay, haseyeeshee albaabadda wada hadalka aanay xidheyn ee ay soo dhoweynayaan in la wada hadlo.

Sidaas wuxuu ka sheegay mar uu maanta ka dhoofayey madaarka magaaladda Hargeysa oo uu warbaahinta kula hadlay qolka nasashadda ee madaarka, waxaanu sheegay in shirar kale oo Soomaaliya loo qabanayey ay diideen inay ka qaybgalaan ka dib markii ay dantoodda ka waayeen, balse uu shirkan u arkay mid dan ugu jirto Somaliland, taas oo uu caalamka usoo bandhigayo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

“Shirar kale ayaynu ka qaybgalnay, kuwo aynu ka gaws-qaniinayna way jiraan, sababtoo ah way inoo cuntimi waayeen oo waxay u muuqanaysaa in aynaan u sinayn oo wada hadal buuxda ku lahayn”ayuu yidhi madaxweynuhu isagoo ka hadlaya shirkii ay biyo diideen iyo kuwii ay ka qaybgaleen, waxaanu intaas ku daray “ Turkiga ayaanu maanta tagaynaa oo wada hadalkii ayaa inoo furmaya, Dan iyo maslaxad ayaa inoogu jira, waxaan inoo rajaynaa in qadiyadeena aynu dunida gaadhsiino oo shirarka caalamka tagno oo qadiyadeena oo la maqlaa waxa ku jira danta Somaliland, cida doonaysa in qadiyadeenna caalamka gaadhsiisaa waa innaga.”



Mar uu ka hadlayey waxa laga hadlayo waxa uu yidhi “shirkaasi waa mid Somaliland iyo soomaaliya la wada hadalsiinayo, qodobada laga hadlayaana way iska cad yihiin oo Soomaaliya waxay doonayaan in la isku noqdo, Somaliland waxay doonaysaa madaxbanaanideedda in ay dunida aqoonsato, halka weeyi halka la iskaga hor imanayaa, laakiin xidhi mayno albaabada ee inagoo qadiyadeena sheegayna ayeynu dunida tusaynaa oo waynu garnaqsanaynaa”ayuu yidhi isagoo tilmaamaya inuu wada hadalku adkaanayo oo laba mawqif la kala taagan yahay.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay safarkiisana ku wehelinayaa madaxda xisbiyadda Qaranka, shirgudoonka golaha Wakiiladda iyo Guurtidda iyo xubno wasiiro ah, kuwaas ka qaybgalli doonna shirka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku hakan doonaa Itoobiya, isla markana waxa la sheegay inay madaxweynaha ka sii horeyn doonaan guddi farsamo oo sii diyaarinaya qaabka loo wada hadlayo

Si kastaba ha ahaatee, shirkan wada hadalka labadda dhinaca waxa qabanqaabinaya dawladda Turkiga, haseyeeshee waxay xukuumaddu sheegtay inay Turkigu kaliya fududaynayso in la wada hadlo balse waxa laga hadlayo iyo ajandaha wada hadalkaba ay soomaalidu u madax banaan yihiin.


Mudane ceeb aanyo & Mudane Ameer Culusoow Al-Gurguurte xafiduhullaah are just using this event to make more sick pics from Turkey for their Facebook pages :whew:
Individual
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Sat Feb 09, 2013 4:38 pm

Re: ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Post by Individual »

Hey king Hutu, can you please translate for me in english IN BRIEF SUMMARY Thanks My King
Individual
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Sat Feb 09, 2013 4:38 pm

Re: ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Post by Individual »

Hey King Hutu can you please translate for us in english IN BRIEF thanks My king HUTU
Individual
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Sat Feb 09, 2013 4:38 pm

Re: ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Post by Individual »

Hey King Hutu can you please translate for us in english IN BRIEF thanks My king HUTU
User avatar
Magnusomalius
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Fri Apr 05, 2013 3:25 pm

Re: ceeb aanyo admits the talks in Turkey will fail

Post by Magnusomalius »

How do you come to that conclusion ?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”