



"Wuxuu madaxweyne Faroole sheegay inaan weli la dhameystirin nidaamkii federalka ee lagu heeshiiyay wuxuuna carrabaabay inaan weli la hergelinin maamul goboleedyadii iyo aqalkii sare ee barlamaanka, islamarkaana Dowladda Federaalkana looga fadhiyo inay dardar geliyaan sidii loo dhameystiri lahaa howshaas lagu heshiiyay.
Faroole wuxuu sheegay in maamulkiisa Puntland aanu gorgortan ka geli doonin hirgelinta nidaamka federaalka ee dastuurka cusub qeexayo, wuxuuna Faroole sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabiil-qabiil u dagaalameen iskuna dhibtoodeen hadda ka dibna xalku uu ku jiro “Nidaam Federaal” oo ay hoos yimaadaan maamul goboleedyo."
Culusow gon' learn today!




