SOCDAALKAYGII OGADENYA – Mudane Maxamad Shariif

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

SOCDAALKAYGII OGADENYA – Mudane Maxamad Shariif

Post by EEGA9 »

SOCDAALKAYGII OGAADEENYA – Mudane Maxamad Shariif


Image

Waxay ahayd dhamaadkii June ee sanadkii 2012 markii aan gaadhay gudaha Ogaadeenya. Waxaan ugu tagay kulan ay lahaayeen qaybta Heegan kaas oo aan la kawsaday. Intii aan joognay kulankaas waxaan si waafi ah warbixin uga qaatay taliyaha qaybta iyo madaxdii la shaqaynasay sidoo kale waxaan la kulmy xubno badan oo ka tirsan ciidanka, mudo sadex maalmood ah ayaanan ku sugnaa goobtii. Ka dib waxaan kulamo la yeeshay qaybo ka tirsan ururada bulshda oo kala gadisan waxaanan halkaa ku sugnaa muddo todobaad ah. Intii aanan ka anbabixin deegaanka gobolka Doollo iyo qaybta Heegan, waxaan si wayn u qiimeeyay xidhiidhka ciidanka iyo bulshada iyo hawlagada ciidan ee jabhadda, waxaan sidoo kale daraasad ku sameeyay xubnaha jabhadeed ee ka hawlgala deegaankaas. Intaa ka dib waxaan sii watay socodkaygii waxaana 12kii July 2012 gaadhay deegaanka Harooyinka halkaas oo aan kula kulmay masuuliyiin golaha dhexe ah iyo qaar ka tirsan maamulka Duufaan, waxaanan la qaatay kulamo kala duwan. Intaa wixii ka danbeeyay waxaan si toos ah ula hawlgalay haya’daha kala duwan ee jabhadeed ee ka hawlgala gudaha Ogaadeenya waxaanan maray gobolda Doollo, Jarar, Nogob iyo qaybo ka tirsan Shabeele. Waxaa kale oo aan soo maray deegaamo ka tirsan dhulka kore ee ay ka hawlgasho qaybta Gorgor.

Hordhacaa yarka ah ka dib, waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa qayb ka mid ah waxyaalihii mudadii aan ku sugnaa halkaa aan kala kulmay gudaha Ogaadeenya, waxaanan odhan karaa waxay ahaayeen kuwa farxad iyo ranrayn xambaarsanaa oo aanan filaynin.

Image

Dhinaca Ciidank Wadaniga Xoreynta Ogadenya

Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya (CWXO) ee aan la kulmay waxa uu ahaa ciidan tiro iyo tayoba ku faraxgalinaya oo aad iyo aad u mooral sareeya kaas oo kiciyay himadaydii halgan ina galiyay rajo halgan oo hor leh. Waxaan ku qancay qaabka diyaar garawga iyo fulinta dagaalada ee CWXO waxaanana ku amaanayaa hawlgalo dagaal oo aan kala qayb qaatay intaan la joogay oo islamarkaana aanku ogaaday tabta saraysa ee uu ku fulinayo cadawga iyo xeeladaha bisaylka ciidan ee ka muuqda N/hurayaasha. Waxaan ogaaday inuu Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya yahay mid si buuxda la isugu halayn karo oo masuuliyadii loo asaasay qabanaya, kaas oo aan ku kalsoonahay inuu buuxin doono himilada shacbiga Ogaadeen gudo iyo dibadba. Waxaan ku kalsoonaaday inay gaadhayaan hadafka xoriyada mustaqbalka dhaw hadii uu Eebe ogolaado. Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya oo ah halbawlaha halganka shacabka Ogaadeenya ayaa mudadii aan la socday waxaa aan dareemayay cududa xoogan ee ay kaga hortagaan cadawga oo mooraal jab weyn ku riday, waxayna runtii awood u yeesheen CWXO in ay weerar ku qaadi karaan cadawga goorkasta oo ay go’aansadaan iyo goobkasta oo ay calaamadaystaan. Islmarkaana waxaan xaqiijiyay oo aan hoosta ka xariiqay in ciidanka JWXO uu awood u leeyahay inuu cadawga ula dagaalamo hadba sida uu doono taasoo faraha cadawga ka bixisay inuu dagaalka hogaamiyo.

Madaxda ciidamada JWXO een kula kulmay goobaha dagaalka waxaa aad uga muuqata kalsooni buuxda oy ku qabaan inay waqti dhaw guusha hanaan doonaan waxayna i tuseen waxyaaba badan oo muujinaya in maanta cadawga xaalkisu uu dhaafay baxsi iyo wuu soo galay ayna isha ku hayaan sida ay u kala dhaqaaqi doonto dawlada Itoobiya. Waxay igula kaftameen in aan ka mid ahay dadka dibada jooga ee daawada TV-yada ee ku jahawareersan waxaan waxba ka jirin. Waxay yidhaahdeen; “Waxaan joognaa dalka waxaan garan karaa meesha la sheegayo in la joogo iyo meesha la leeyahay ceel iyo caws baa lagu barwaaqeeyay oo aan hubno inayna inta badan Ogaadeenyaba ahayn, sababtoo ah anagaa dhex joogna oo ogsoon. Ma ogin in la’idin daawadsiiyo filimaan laga soo qaaday Itobiyada kale islamarkaana dusha laga saaray dad shacbi ah oo Jigjiga sawiro lagaga qaaday. Waxay kaftanka ku dareen eray aan aad ugu qoslay oo ah; ” .. adeer malaha reer magaalku waa caruur oo ma qaangaadhin sidee ayay u kala garan waayeen xaqiiqada ka jirta dalkooda iyo sawirada beenta ah ee la daawadsiiyo.”

Image

Xidhiidhka ka dhaxeeya shacbiga iyo ciidanka JWXO waxaan ku qiyaasay oo kaliya hooyo dhashay wiil madi ah oo waliba gurudanbays ama yaraan ah oo joogta goob colaadeed sida ay u ilaaliso wiilkaa iyo meesha uu kalgacal ahaan ka taagan yahay. Waxaan u malayn in cid waliba dareemi karto kalgacalka ay u hayso. Waxaan la kulmay dad aad u badan oo shacab ah mana qabaan wax dareen ah oo ay marnaba raali ka yihiin in hawshan ku joogsato. Waxaan waydiiyay su’aal ah mudo dheer ayaan dagaal ku jiray dhib badana waa inaga soo gaadhay heshiis mala gali karaa dawlada Itoobiya? Waxay ku jawaabeen ma jiro wax noo fayaw maanta dad iyo dal iyo duunyo midnaba. Sidaa darteed wixii ay waxwalba noo gaadheen kamanoqonayno kumana qancayno wax kayar wixii aan dagaalka u qaadnay inaan gaadhno. ONLF-na hadii ay buuxin waydo shuruudaa mid cusub ayaan aasaasaynaa. Waxaan soo xusuustay qaar calooshood la ciyaar ah oo habeen iyo maalin ku hadaaqa dadka haloo turo oy ula jeedaan cadawga haloo gurguurto.

Waxaa dhacay intaan joogay kulamo waawayn oo ay isugu yimaadeen dhamaan maamulada iyo madaxda qaybaha, kaas oo lagu falanqaynayay hawlaha kala duwan ee jabhadda. Waxaa kulanka oo socday mudo sadex maalmood ah lagu qiimeeyay dhamaan hawlaha halganka waxaana ka soo baxay go,aamo looga faa’iidaustay hawlaha halganka. Waxaase aniga ii dheeraa farxadii aan kala kulmay oon ka faa’idaystay doodihii xiisaha lahayd ee huwanayd bisaylka hogaamineed ee ay iswaydaarsanayeen madaxda ciidamada iyo hogaaminta jabhadda


Nololsha shacabka

Waxaad la socotaan in dhulka Ogaadeenya uu mudo aad u dheer saraa cunaqabatayn dhinaca dhaqaalaha iyo nolosha ah, waxaana dadka soo gaadhay dhibaato aad iyo aad u xoog badan waxaana lagala dagaalamay ganacsiga iyo wax soo saarka iyadoo sidoo kale waxyeelo loo gaystay xoolihii ay ku noolaayeen. Waxaa dadka soo gaadhay waxksata oo dhib ah oo loo gaysan karo ruux banii aadam ah. Waxay hada maraysaa in la yidhaahdo waa inaad dakhli soo galisaan dawlada. Waxaa dagmooyinka lagu xukumay malaayiin lacagta Itoobiya ah. Tusaale waxaan joogay 8dii April meel ku dhaw degmada Baaray. Waxaan ogaaday oo aan xaqiijiyay in lagu qoray inay soo xareeyaan 193 milyan oo Birr. Lacagtan oo ah mid aad badan marka la eego nolosha dadka ku dhaqan dagmadaa.

Dadka markii arintan loo keenay aad ayay uga horyimaadeen waana mid aanay suura gal ahayn inay bixiyaan. Waxaa kale oo aan 18kii March kula kulmay degamada Sagag dad ka soo fulay ceelka waxay ii sheegeen in cadawgu maanta uu dadka madaxooda ka qaadayay canshuur ruuxiiba 8 Birr, neefka geela ahna 200 Birr, ka adhiga 50 Birr, awrka raashinka ah 150 Birr, iyadoo dukaamadana la saaray canshuur u dhaxaysa 5000 ilaa 30000 oo Birr. Arintan waxay ka mid tahay isku dayada cadawga ee ah in lagu tirtiro gabi ahaan nolosha dadka. Waxaan aad ugu farxay markii aan dadka kala sheekaystay dhibkan iyo waxyaalaha loo sababsan ayay iigu jawaabeen ujeedadooda waan garanaynaa, kolase xoriyada Ogaadeenya ka hadhi mayno waanan garab taaganahay ciidanka iyo madaxda jabhadda ee halganka wada.

Awooda ciidankii loo yaqiinay Hawaarinta

Waxaan hoos ugu daadagay inaan xog rasmi ka helo awooda cadawga gaar ahaan dhinaca ciidanka waxaanan ogaaday inuu aad iyo aad uga hooseeyo heerkii aan ku ogaa sanad ka hor. Waxaana jira khilaaf iyo dagaal adag oo gudaha ciidamada iyo maamulkoa ah. Waxaa baaba’ay kalsoonidii ay ku qabeen hogaanka kililka waxaana maamulkoodii la wareegay hadda kornayl Tigree ah oo lagu magacaabo Weldu Mabreetu, kaas oo ah maamulaha guud iyo tababarka ciidanka Hawaarinta.

Image


Dhinaca kale waxaan indhaha ku dhuftay dhul badan oo horay u ahaa magaalooyin camiran oo aad moodo dhulkii uu ka sheekayn jiray Quraanku ee dadkii daganaa la rogay ama ka tageen. Waa magaalooyin aan cida ku soo dheelman, cidna ka caraabin, cidinana ayna u hoyan gudaheeda. Waa wax naxdin kugu abuuraya oo aad dareemayso cadaadiska iyo xasuuqa dalkan iyo dadkan lagula kacay heerka uu gaadhay .

Image

Dhamaan waxyaalaha aan carabka ku dhuftay waxaan jeclahay intooda badan inaad daawantaan iyaga oo muuqala ah. Intaas waxaan ku soo koobayaa qaybtii koowaad ee warbixintii socdaalkii aan ku marayay qaybaha kala duwan ee dalka.

M/shariif.

ONA.
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: SOCDAALKAYGII OGADENYA – Mudane Maxamad Shariif

Post by MarsinQorahay »

Image
:ehh:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”