Oo iskuul yar lay qoray,
Oo inan yar lay baray,
Oo waraaq yar na u qoray,
Oo boos yarna u dhigay
Oo jawaab yar aan helay,
Show jacayl yar baa i galay,
Intaan shaqo yar raadsaday,
Oo lacag yar soo helay,
Oo an habaryarna u tagay,
Show Hagbad yar bay i gashay
Intaan suit yar iibsaday,
Oo tie yar lay xidhay,
Tima jare yarna u tagay,
Oo taaloo yar lay jaray,
Oo aan oday yar sii waday,
Oo wadaad yar loo wacay,
Yartii meher yar lagu xidhay,
Koofeer yar loowaday,
Oo toob yar loo xidhay,
Oo aroos yar lay dhigay,
Ana keeg yar aan jaray,
Oo hees yar lay tumay
Sawtii wiil yar lay dhalay..
