WAR DEG DEG: AWEYS IN CADAADO!!!!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

WAR DEG DEG: AWEYS IN CADAADO!!!!

Post by AhlulbaytSoldier »

DEG DEG: Xasan Dahir Aweys oo gaaray degmada Cadaado iyo khilaaf ka dhex taagan Ximin iyo Xeeb


War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ay galbinayaan kolonyo ciidan oo uu la socdo Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa goor dhow gaaray degmada Cadaado.

Sida ay sheegayaan wararka Xasan Dahir ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug, iyadoo imaatinkiisa Cadaado ay ka dambeysay heshiis dhex maray isaga iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Ximin iyo Xeeb uu khilaaf soo kala dhex galay, kaasoo ku saabsan qaabka markii hore looga hadlay arrinta Xasan Dahir.

Khilaafka ayaa ku saabsan wareysi uu Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey uu siiyay Idaacada VOA, kaasoo uu ku sheegay inay gacanta ku dhigeen, wada hadal kadibna uu isu soo dhiibay.

Laakiin arrinta jirta ayaa ah in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu markii hore degmada Cadaado shalay kaga ambabaxay in Xasan Dahir uu marti geliyo, wada hadalo dhex maray kadib.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goor dhow laga yaabo in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu shir jaraa'id qabto, kaasoo uu kaga hadlayo imaantinka Xasan Dahir ee degmada Cadaado iyo wixii dhex maray.

Sheekh Xasan Dahir ayaa doon uga soo baxsaday degmada Cadaado, markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Hogaamiyaha Shabaab, waxaana la is weydiinaya inuu ku sii sugnaanayo cadaado iyo in kale.

La soco wixii ku soo kordha.
Individual
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Sat Feb 09, 2013 4:38 pm

Re: WAR DEG DEG: AWEYS IN CADAADO!!!!

Post by Individual »

One might ask my brother Hutu, is this the end of alshaitain and what will happen to their spiritual leader Dahir aweys?
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: WAR DEG DEG: AWEYS IN CADAADO!!!!

Post by AhlulbaytSoldier »

Individual,

Aweys started a lot of trouble.
If he made towbah from apostacy then we welcome him, and we ask Allah swt to forgive his crimes.

But the somali people will never support him nor want him as president, as amiir after what he had done.
He is the same man that when he came from Eritrea to Xamar in 2009 he called on "jihad"against sh.sharif's president out of jealousy, for kursi.


Let this old man retire somewhere in somalia or elsewhere. Let him wait for the death.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”