Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Yusuf Awlibaax oo baryihii danbe ahaa madaxda saaxiibka dhaw la ah Ahmed Madoobe oo shirkii Kismaayo loogu doortay Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda waxaa soo muuqday inuu labadaasi mas’uul khilaaf xoogan soo kala dhexgalay.
Shiikh Awlibaax ayaa waxaa uu ka mid ahaa wefdiga Ahmed Madoobe ee baryahan danbe Nairobi iyo Adisababa u joogay wadahadalka ay dowlada la galayeen, waxaase hadda la soo sheegayaa in labada hogaamiye ku kala tageen dagaalkii Kismaayo iyo dhibaatada uu geystay.
Shiikh Awlibaax ayaa Ahmed Madoobe iyo maamulkiisa ka dalbaday inay ka hadlaan bililiqo iyo burbur lala eegtay dad gaar ah oo aan xitaa dagaalka ku jirin. Waxaana Shiikha uu sheegay haddii aan taasi la sameyn oo aan dib hantida la dhacay loo soo celin uu dib ugala noqonayo kalsoonidii uu horey u siiyey maamulka Ahmed Madoobe.
Maxamed Abdi oo ka mid ah siyaasiyiinta joogta Nairobi oo si dhaw ula socday howlaha Ahmed Madoobe iyo Awlibaax ee iminka khilaafka soo dhexgalay ayaa waxaa uu sheegay in hada lagu wadahadalsiinayo hotelka ay degan yihiin.
” Awlibaax oo dagaalka Kismaayo iyo khasaaraha uu geystay ka careysan iyo Ahmed Madoobe oo madax u ah maamulka loo tirinayo inay ciidankiisa geysteen dhibkaasi ayaa hadda waxaa usocda wadahadal arrintaasi lagu dhameynayo” ayuu yiri Maxamed Abdi.
Wadahadalka socda ayaan la ogeyn in lagu guuleysan doono iyo in kale. Waxaana madax ka tirsan Dowlada Kenya iyo Itoobiya oo ragan markii horeba taageero wada siin jiray ayaa waxaa ay ku howlan yihiin inuusan khilaafka meel xun gaarin.
” Awlibaax iyo Ahmed Madoobe oo khilaafkan ku kala taga waxa ay astaan u tahay burbur ku bilowda maamulkii jubaland ee awalba mucaaradnimada faraha badan uga imaanayey Dowlada Soomaaliya iyo Jabhado dhowr ah. Maxaa yeelay Awlibaax waxa uu ka mid ahaa lixdii hogaamiye ee wada saxiixay dhisaha maamulkaasi” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Abdi oo la hadlayey warbaahinta Kismaayo24.com
Dagaalkii Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxaya warar badan oo is khilaafsan kuwaasi oo qaarkood sheegayaan inay burbur xoogan iyo boob hanti dadweyne loo geystay xaafadaha laga qabsaday ciidamada magaalada laga saaray. Waxaana dhinaca kale maamulka Ahmed Madoobe sheegayaan inay arrintaasi tahay been ay awood ka dhiganayaan raga magaalada laga saaray.
” Waa soo badaneynaa eeda ah in hanti dadweyne iyo burburinta guryo badan iyo xitaa in la bartilmaameedsanayo dad gaar ah ay ka jirto Kismaayo, haddana lama hayo cid ka madaxbanaan labada dhinac oo arrintaasi aduunka iyo Soomaalida u cadeysa” ayuu yiri Maxamed Abdi.
Shiikh Maxamed Yusuf Awlibaax oo aanu qadka telefoonka kula xirirnay ayeysan inoo suurtagelin arrintaasi. Maadaama uu hadda ku jiro shirka ay kuwada hadlayaan isaga iyo Ahmed Madoobe. Marka uu shirkaasi soo dhamaado ayaan idin soo gudbin doonaa wixii kasoo baxay.
http://kismaayo24.net/?p=66745
Breaking news: Aw-Libaax oo hanjabad ku diray Madoobe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Breaking news: Aw-Libaax oo hanjabad ku diray Madoobe

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1284 Views
-
Last post by kambuli
-
- 1 Replies
- 273 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 257 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 2 Replies
- 226 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 956 Views
-
Last post by Django
-
- 6 Replies
- 1015 Views
-
Last post by quark
-
- 8 Replies
- 1479 Views
-
Last post by guhad122
-
- 4 Replies
- 66 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa
-
- 30 Replies
- 3554 Views
-
Last post by guhad122
-
- 33 Replies
- 3168 Views
-
Last post by abdalla11