Koorta

Gabayada iyo dadka Gabya

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Koorta

Post by DayaxJeclee »

Anigoo daruurta dabaalanaayoo
Dayaxiina uusan damiin
Kortaa igu soo daysay

Sidee tahay imaad oran
Gormaad soo diri
Hurda iga baraarugisa.


Sidii dabaal gabanaayaa
Xalay baa soo diray
Kuugu dabaceliyey


Nabadgelyo adoon oran
Dab igu siisay
Garabka madaxa saartoo
Dib ugu noqday hurdadii
Alizey
Posts: 19
Joined: Wed Jun 26, 2013 1:21 am

Re: Koorta

Post by Alizey »

Gabayada Raage Ugaas Warfaa ee wada cajaa'ib ah waxaa ka mid ah gabaygan tixdan hoose aan ka hayno. Wuxuu Raage gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii uu aadka u jeclaa, Xaddiyo Nuur Yey oo libaax qaaday iyadoo habayn madow soo dheelmad ah. Wuxuu yidhi:

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuunyeeyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataantii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
...
Soo dhamaystir.
Locked

Return to “Literature - Poems and Poets”