Warar aan ka helnay Magaalada Muqdisho ,ayaa waxaa ay shegayaan in Axmed Madoobe uu Casumaad ka helay Dowladda Soomaaliya ,kadib markii ay dhoowr mar ay ka wada hadleen Xaalka Jubbaland Dowllada iyo Maamulkiisa.
Waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu Shir laqaato Madaxda Dowladda Soomaaliya Shirkaasi oo lagu dhameystiraayo Sida la sheegay Heshiis hosoe o ay wadagaleen Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax C/qaadir oo u qaabilsanaa Dowladda Soomaaliya shirara ka dhacay dhawaan Wadanka Ethiopia oo ay wadagaleen Axmed Madooebe ,ayaa waxaa la sheegayaa in uu warqad Casumaad ah u diray Axmed Madoobe si uu u yimaado Muqdisho loona tuso si wada jir ah Heshiiska la bada dinac Madaxda Dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Wasiirka Koowaad.
Dowladda Soomaaliya ,ayaa waxaa ay horey u gu dhawaaqday shirweyne ka dhacaayo Magaalada Muqdiso ee Caasimadda Wadanka Soomaaliya kaasi oo looga hadlaayo xaalka Murugsan ee Jubbaland in kastoo shirkaasi uu wali qabsoomin sababo la xiriira Diidmo ay keneen Maamulka Axmed Madoobe uu Hogaamiyo .
http://www.qubanaha.com/2013/07/25/muxu ... -muqdisho/



