
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro ruuxii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar ismiidaaminta ah oo gellinkii dambe ee maanta lala beegsaday dhisme ay deggen yihiin shaqaale ka tirsan safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.
Dhismahan oo ku dhow Isgoyska KM-4 ee Muqdisho ayaa weerarka lala beegsaday wuxuu ahaa mid loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay.
“Weerarka ismiidaaminta ah waxaa lala beegsaday xarun ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Muqdish oo ku dhow KM-4, waxaana ku dhintay laba qof oo uu ku jiro ruuxii ismiidaaminta sameeyay,” ayuu yiri Col. Axmed Maxamuud oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ahaa mid culus, waxaana goobta laga qaaday dhaawacyo dhowr ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo uu imaanayo weerarka xilli ay Al-shabaab ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho.
Waa markii labaad oo la weeraro shaqaale ka tirsan kuwa Turkiga ee dalka Somalia ku sugan, iyadoo bishii Abriil ee sannadkan lagu weeraray Muqdisho gaari ay wateen shaqaale ka tirsan hay’adda bisha Cas ee Turkiga, kaasoo ay ku dhaawcmeen saddex ka mid ah shaqaalaha Turkiga, darawl Somali ah oo u shaqeynayay uu ku dhintay.
Wararkii kusoo kordha qarxan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya