I never trust Dutch people since they robbed Africa and enslaved many people.
But it seems the poorly tfg system is trusting wellknown thieves.
Dowladda Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Ilaalisa Badaha Somalia oo fadhigeedu yahay dalka Netherlands
Arbaco, July 31, 2013(HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Holland.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay heshii kula gashay shirkaddan in ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybqaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.
Warqad qoraal ah oo ku saabsan heshiiska ay gaareen shirkaddan ilaalisa badaha iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya u horseedayo Xasilooni iyo dib usoo kabashada ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska ka mid ahaa:
La socodka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha
La socodka ilaha dhaqaale ee gaarka ah
Difaaca kheyraadka dabiiciga ah
Difaaca kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta ajaaniba ah iyo waxyaabaha saldhigga u ah
Ka hortagga suntan lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya
Sameynta dabagallo ku aaddan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kontorbaanada ah
Qodobada heshiiska ayaa waxa sidoo kale kamid ahaa in shirkaddan ay ku howlgeli doonto awaamiirta dowladda Soomaaliya, waxaana la garaneyn waxa uu heshiiskani ka badali doono dhibaatooyinka ka taagan xeebaha dalka Soomaaliya.
Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaa meesha ka baxay ciidamadii ilaalada badaha dalka, waxayna arintaasi fududeeysay in xeebaha Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumeeystaan Maraakiib shisheeye, in badda Soomaaliya lagu soo daadiyo sun halis ah, iyo weliba in xeebaha dalka Soomaaliya ay noqdaan meelaha ugu qatarta badan caalamka, taasoo ka danbeeysay markii ay dalka ka dilaaceen burcad badeed Soomaali ah oo afduub u geysta Maraakiibta isticmaasha xeebaha dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya
TFG entrusting Somali Coast to Dutch Thieves
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: TFG entrusting Somali Coast to Dutch Thieves
the Dutch are good people who welcomed us in our thousands with open arms second only to UK in the whole of Europe not to mention they were the least colonizer in Africa.- Gabre
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1642
- Joined: Sun Jun 23, 2013 10:52 am
- Location: Shores of Eretz Ogadenia, making aliyah
- Contact:
Re: TFG entrusting Somali Coast to Dutch Thieves
The piracy problem won't go away in the longterm without solving the cause: unemployment, the biggest scourge of Africa. 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 906 Views
-
Last post by Individual
-
- 6 Replies
- 515 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 1 Replies
- 458 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 33 Replies
- 2964 Views
-
Last post by quark
-
- 3 Replies
- 1398 Views
-
Last post by Queen Elizabeth
-
- 0 Replies
- 915 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 1 Replies
- 990 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 9 Replies
- 1768 Views
-
Last post by crudetruth2
-
- 4 Replies
- 980 Views
-
Last post by surrender
-
- 3 Replies
- 580 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero