Taliyeyaasha oo xalay fiidkii warbaahinta kula hadlay xarunta laanta Dambi-baadhista ee Hargeysa, waxay sheegeen in ciidankaasi ahaayeen ilaa 250 askari oo ka tirsan jabhadda ONLF oo lagu soo tabobaray dalka Eretria, waxayna soo bandhigeen hub iyo cadaymo ay ciidankaasi ay kaga tageen tuulada Cabdiqaadir oo ka tirsan gobolka Awdal, ka dib markii ay ka soo degeen goobta gobolkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar k amid ah Lacagta dalka Ereteriya laga isticmaalo, Waraaqo caddaynaya halka ay u socdeen iyo hawl-gallada ay doonayeen inay fuliyaan iyo caddaymo kale.
“Meesha u dhexaysa Lughaya iyo Saylac taariikhdu markay ahayd 10-kii bisha waxa ka soo degay ciidan lagu qiyaasay ilaa 250 ilaa 300, saddex baabuur oo kuwa 19-ka loo yaqaan ah ayaa loo geeyey si qarsoodi ah, way soo qaadeen oo meel Jidhi la yidhaahdo ayey soo gaadheen, baabuurtuna qaar la garanayo oo kuwi Milixda soo guri jirtay ayay ahayd. Nimankii kaantaroolka joogay waxa lagu yidhi Milixdii ayuun baanu sidnaa, dadkuna hoosta ayey fadhiyeen, maadaama ay baabuurta garanayeen way aamineen, waa la soo daayay, dabadeedna meel u dhaw Jidhi lafteeda ayey ku rogeen hubkii ay siteen,” sidaa waxa yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi-Kabaal oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka hadlay. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay markii dambe galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo oo Cabdiqaadir ka soo horjeeda, hawlgalkiina wuu socdaa, hubkii laga soo qabtay waa kan, lacagtii laga helayna rafka ayaa la yidhaahdaa, qaarna Axmaari ayey ku qoran tahay qaarna Soomaali tababarkii ay Itoobiya ay ku wada qaadanayeen iyo afafkii ay ku qaadanayeen ayaa ku wada qoran (waraaqo uu soo bandhigay), taasina waxay ku tusaysaa inay Eretria ka yimaadeen, nimankaasina ay ahaayeen cadow ku socda Itoobiya, inagana waa inoo cadow, maadaama ay dalkeenii ka soo degeen waxba inoomay dhigan.”

waxay sheegeen in ciidankaasi ahaayeen ilaa 250 askari oo ka tirsan jabhadda ONLF oo lagu soo tabobaray dalka Eretria, waxayna soo bandhigeen hub iyo cadaymo ay ciidankaasi ay kaga tageen tuulada Cabdiqaadir oo ka tirsan gobolka Awdal.


Qaldaan officer shitting on himself


http://www.hiiraan.com/news/2010/Sept/w ... -11007.htm