reer MN protesting just to get FBI off their backs

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19081
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

reer MN protesting just to get FBI off their backs

Post by FarhanYare »

Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Banaanbax looga soo herjeeday wareeradii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan suuqa Westgate Mall ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Dadka dibadbaxa ka qaybqaadanayay ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay sida ay uga xun yahiin wixii ka dhacay Westgate Mall. Jamaal Cismaan Xasan oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa ka hadlay ayaa ka warramay dhib kasoo gaartay labo gabdhood oo uu waalid u yahay oo maalintii uu dhacayay weerarku ku sugnaa suuqa Westgate, isagoo cambaareyn adag dusha ka saaray Al-shabaab oo sheegtay inay weerarkaas ka dambeysay.

“Haddii xilli hore ay dhallinyaro ka tagtay magaaladeenna Minneapolis taasi ma ahan macnaheedu inay dhallinyaradeennu taageero u hayaan Al-shabaab warkaasuna waa mid ay baahiyaan warbaahinta caalamka,” ayay tiri Nimco Cabdullahi Axmed (Nimgo) oo ka mida dhallinyarada degen Minneapolis.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



Sidoo kale, Ilhaan Cumar oo iyaduna ka hadashay bannaanbaxa ayaa tiri: “Waxaa markii ay dhibaato dhacdo lagu yiraahdaa dambiiluhu wuxuu ka yimid meel hebla sida Minnesota iyo Ingiriiska; waxaan idiin sheegayaa in dambiiluhu uusan lahayn waddan ama qaarad , balse dambiiluhu waa mid isagu galay dambigiisa cid la wadaagaysana ma jirto.”

Waxaa iyaguna kasoo qayb galay warbaahinta caalamka oo aad moodo inay guryo kumeel gaar ah ka samaysteen xaafadda ay Soomaalidu ka deggen yihiin gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale, waxaa dibadbaxa ka hadlay xubno ka tirsan jaaliyadda Kenya ee ku nool gobolka Minnesota, waxanna ka xusi karnaa khudbadii Ibraahim Baraaki, isagoo muujiyay dhibtii halkaa ka dhacday sida uu uga xun yahay, wuxuuna sheegay in Al-sbabaab ay dhibaato ku hayso Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka ay dariska yihiin.
User avatar
GeoSeven
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5687
Joined: Sat Sep 17, 2011 10:41 am
Location: Out of my mind somewhere...always somewhere, never an exact location.

Re: reer MN protesting just to get FBI off their backs

Post by GeoSeven »

Banaanbax everyday. Talk about being addicted to protesting. Somalis will use any excuse to come onto the street. Odds are every second Somali website has an article about a "banaanbax" for a headline :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”