




Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulankaan oo ah mid xog wareysi ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiin waxagardka beesha Sade, xildhibaandii horre ee beesha ee joogo magalaada Muqdisho kulanka ayaa waxaa soo qababan qaabiyay gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo dhawaanahaan joogay magaalada Muqdisho.
kulan4
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) oo halkaas baaq uga diray dhamaan beesha Sade ee dal iyo dibad in ay soo afjaraan Qilaafka u dhexeeyo isla marakaana ay ka wada shaqeyaan midnimada umadda Soomaliyeed.
Ugaaska ayaa sheegay in maanta ay tahay wax laga xumaado in beesha Sade aysan laheyn hogaan dhaqan oo ay ku mideysan yihiin, waxuuna sheegay in ayaga oo kala hadaf ah ay qaar jogaan Kismaanyo kuwa kalena Xamar, waxuuna beesha Sade ugu baaqay in ay shir deg-deg ah loo qabto.
Sidoo kale, ex-Xlldhibaan Maxamuud Sayid Aden ayaa ka mid ahaa dadkii goobta ka hadalay, waxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqsiyaad aan matalin beesha Sade maalin kasta ay taagan yahiin meel aan munaasab aheyn, waa sida uu hadlka u dhigaye.
“War Ilaah kaga towbad keena maalin kasta ayda oo aanay cid dirsatay jirin ayaad raadisaan qado meel meedkiina, adinka oo ku qaraabanaya ama wata magaca beel weynta Sade,” sidaas waxaa yiri Maxamuud Sayid Aden oo aanan si toos ah u carabaabin cidda uu sheegay in aanay matalin beesha Sade ee sida xun u raadsata sidii ay ula soo bixi lahaayeen qadadooda.
Ugu danbeyntii, Gudoomiyaha gobolka Gedo, Maxmed Cabdi Kaliil ayaa ka warbixiyay safarkii uu horaantii bishaan September ku tagay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxuuna sheegay in ay u tahay guul weyn shacabka Gobolka Gedo iyo dhamaan umada Soomaaliyeed qabsoomiddii shirkaas oo looga hadlayay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa gobolada Soomaaliya ee ay colaadaha la dageen.
“Shirkaas waxuu kusoo dhamaaday guul iyo balan qaad badan oo dhanka dhaqaalaha ah oo ay Soomaaliya u sameeyeen ganacsto iyo dalalka Deeqaha bixiyo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.
Sidoo kale, guddomiyaha ayaa waxuu ka warbixiyay kulan uu si qaas ah ula qaatay Jaaliyad dibadda ee kasoo jeeda gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhowr wadan oo ka tirsan qaaradda Yuurub.
“Waxaan la kulamay qaar ka tirsan jaaliydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka, waxaana u sheegay in ay maal gashi ku sameystaan gobolka Gedo, kaddib markaan gacanta ku qabano labada degmo ee Buurdhuubo iyo Baardheere, isla markaana aan sugno amaanka guud ahaan deegaanada gobolka Gedo,” ayuu yiri Gudoomiye Kaliil.
Si kasataba ha ahaatee, kulankaan ayaa waxaa uu yahay kii ugu balaarnaa ee lagaga hadalo xaalada Gobolka Gedo oo qaar ka mid ah degmooyiniisa ay wali ku jiraan gacanta Al-shabaab.