Sade elders hold pre-conference in Beled Xaawo- pics

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

Sade elders hold pre-conference in Beled Xaawo- pics

Post by BuuloXubeey »

Image

Image

Imagehttp://www.allgedo.com/newswire/wp-cont ... 00x375.jpg[/img]

Shir hordhac ah oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka ee Beesha Sade, kana dhacay Degmada Belad Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa lagu falanqeeyey sidii uu u qabsoomi lahaa shirweyne ay isugu yimaadaan dhammaan Hogaanada dhaqanka ee Beesha, gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Gedo. Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen odayaasha dhaqanka ee Degmada Belad Xaawo, qaar kalana ay kaga qeyb galeen khadka Teleefanka ayaa la’isla gartay arrimahaan soo socda.
sawir2
1- In la qabto shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda dhaqanka ee Beesha Sade, si dib loogu soo celiyo dawrkii dhaqanka, loona abuuro Gole guurti oo leh nidaam iyo xeer ay ku wada shaqeeyaan bulshadana ugu adeegaan.
2- Waxaa la qabtay guddi xiriirin oo ku meel gaar ah kana kooban 9 xubnood oo loo xil saaray inay la xiriiraan, cid kasta oo gacan ka geysan karta qabsoomidda shirka.
3- Waxaa ay odayaashu ugu baaqayaan dhammaan cid kasta oo saameyn ku leh Gobalka Gedo, gaar ahaan Maamullada ka jira in ay gacan ka gaystaan sidii shirkaas dhaqanku u hir gali lahaa.
4- Waxaan caddeynaynaa in shirkaasu uu ka madax bannaan yahay, siyaasad, u xaglin koox gaar ah isla markaasna uusan duullaan ku ahayn koox iyo shakhsi gaar ah.
5- Waxaan ugu baaqynaa dhammaan qeybaha bulshada ee ku abtirsada Beesha Sade meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar groobaan qaybta kaga aadan qabsoomidda iyo guulaysiga shirka iyagoo kaga qayb qaadanaya talo iyo taageeraba.
6- Waqtiga iyo meesha shirka lagu qaban doono dib ayaa laga shaacin doonaa, kadib marka uu wada tashigu soo gabagaboobo.
Magacyada Isimadii ka qeyb galay shirka:
1- Nabadoon Idiriis Abdi Aden
2- Garaad Mohamed Sheekh Mohamoud
3- Nabadoon Abdi Aden Hasan
4- Nabadoon Dhaqane Qassim Amin (Warcaddeey)
5- Nabadoon Abdirisaq Ibrahim Ali
6- Nabadoon Abdullahi Abdi khalif
7- Nabadoon Ahmed kosaar Abdi
8- Nabadoon Abdi Gureey Hared
9- Nabadoon Cabdullahi axmed Jamac (Qaxwo)
10- Nabadoon Sheekh xassan Cali barroow
11- Caaqil Mohamed Cabdi Ibraahim
12- Cabdullahi Ciise Dhabaneey, iyo waxgarad kale oo fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin magacyadooda.
Fiiro gaar ah: Wixii faahfaahin ah waxaa lagala soo xiriiri karaa magacyada iyo Numberada hoos ku qoran:
1- Nabadoon Idiriis Cabdi Aden – Tel. 252615569685.
2- Garaad Mohamed Sh Mohamoud – Tel. 252616268688, Email: mmohamoud65@gmail.com
3- Nabadoon Mohamed Abdi Ibrahim – Tel. 252615163036
4- Nabadoon Abdi Aden Hassan – Tel. 252615554850.
Wabillaahi towfiiq.
Garaad Mohamed Sh. Mohamoud, Belad Xaawo/Gedo
mmohamoud65@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”