somaliland officials closed an office where somalia passport

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19038
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

somaliland officials closed an office where somalia passport

Post by FarhanYare »

is issued in hargeysa...............




Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay albaabbada isugu dhufteen xafiis lagu bixin jiray baasaboorka Soomaaliga ee E-Passport-ka loo yaqaan, iyagoo sheegay inay maxakamad soo taagayaan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa howshan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo hadal siiyay BBC-da ayaa sheegay inay baaritaan dheer kaddib soo qabtaan xubno magaalada Hargeysa ku lahaa xafiis lagu bixin jiray baasaboorka Soomaaliga haatanna ay gacanta ku hayaan.

“Baaritaan ay hay’adaha ammaanku sameeyeen waxay kusoo qabteen koox baasaboorka Soomaaliga ee E-passport-ka ka bixin jiray Hargeysa, kuwaas oo u diri jiray macluumaadka goobo kale, dabadeedna baasaboorka looga keeni jiray, xafiiskiinna waanu xirnay,” ayuu yiri Waran-cadde .

Sidoo kale, wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in shaqsiyaadkan ay soo taagi doonaan maxkamad, wuxuuna howsha ay hayeen ku sheegay mid aan laga ogoleyn Somaliland oo sharci-darro ahayd.

“Baasaboorkii hore ee Soomaaliga ayaa Somaliland laga isticmaalaa kaasoo lagu tago meel walba oo la doono, isagoo xusay inay dhawaan sameynayaan baasaboor cusub oo E-passport ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Somaliland ay ka qaadato baasaboorka cusub ee Soomaaliga, iyadoo xariga xafiiskanna ay imaanayso iyadoo muddo sannad ka badan la sheegayay in Hargeysa laga hirgeliyay xafiis laga qaato baasaboorka cuusb ee Soomaaliya.

Dhanka kale, tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay socdaan wadahadallo ay iskaashi ku sameysanayaan Somaliland iyo Somalia, lamana oga saameynta ay arrintan ku yeelan karto wadahadalkaas.

Somaliland ayaa 22-sano ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day, inkastoo maamulkan uusan helin wax aqoonsi ah, haddana waxay mas’uuliyiintiisu sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen calaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: somaliland officials closed an office where somalia pass

Post by AhlulbaytSoldier »

There are many of that offices in maamulka waqooyi.
They need Somali passport to go to hajj. Saudis dont accept their fairytale passport which only allows them to enter disneyworld.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”