GAROWE ONLINE
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ahna Madaxa xafiiska UNSOM Ambassador Nicholas Kay ayaa booqasho ku tagay maanta 20 Nov, 2013 magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland.
Madaaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayuu kulan la qaadanayaa haatan iyo xubno ka tirsan wasiiradda sida Amniga, Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah.
Amaanka, gurmadka dadka tabaaleysan, arinta laba nin oo Puntland qabatay iyo arrimo kale ayaa lagu wada inay laba dhinaci falanqeeyan.
Waa booqashadii saddexaad uu ku yimaado Garowe Mr. Kay tan iyo markii uu la wareegay xafiiskan cusub.
Laba masuul aya shir saxafadeed qabanaya marka uu soo dhamado kulankooda.






http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... role.shtml




What is cuulosow doing at this moment?