
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo sheegay in Iscasilaaddii Yusur Abraar
ay dhaawacday kalsoonida Deeq-bixiyeyaasha
Khamiis, December 12, 2013 (HOL) — Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM ee dalka Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa shir Golaha
Ammaanka ee Qarammada Midoobay ay ku yeesheen xaruntooda New York habeenkii Talaadada ayaa sheegay in is-casilaaddii Yusur Abraar ay
dhaawacday kalsoonidii ay deeq-bixiyeesha caalamka ay ku qabeen dowladda Soomaaliya.
Danjire Kay ayaa sheegay in riditaankii xukuumadda ra'iisul wasaare Saacid iyo shaqo ka tagistii madixii hay'ada xagga lacagta ugu sarreysa
Soomaaliya ay caqabad ku kala noqdeen hawlihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo lacago fara badan ku shubi jiray khasnadda dowladda
Soomaaliya.
"Labadda xaaladoodba waxay keeneen su'aalo fara badan, kuwaas weli aan loo helin jawaabo waafi ah, balse labadduba waxay sabab u noqonayaan
rajo wanaagsan," ayuu yiri wakiilkua isagoo intaas ku daray in is-casilaaddii 30-kii Oktoobar ee Yusur Abraan ay keentay dareen weyn oo dhinaca
kalsoonida dowaldda ah.
Ergaygu wuxuu ammaanay tallaabaddi dhaqsaha lahayd ee guddoomiye KMG ah loogu magacaabay Bankiga dhexe, kaasoo ay golaha wasiirardu isku
raaceen toddobaad ka hor, waxaana xilkan loo magacaabay Dr. Bashiir Ciise Cali.
"Waxaan dhowr jeer isku-keennay bulshada caalamka iyo deeq bixiyayaasha si dhibaatadan loo darso, innagoo xitaa kulammo is-dabajoog ah la
yeelanay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhaweynay doorkii firfircoonaa ee bankiga adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka IMF ee loogu
soo celinayo kalsoonida Soomaalida iyo bulshada caalamka marka la eego habka uu ku shaqeynayo maamulka lacagta dowaldda," ayuu Kay hadalkiisa
ku daray.
Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo si dhab ah uga hadlay sababtii keentay iscasilaadda guddoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya,
Yusuf Abraar oo muddo laba bilood ah xilkaas haysay.
Hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa imaanaya xilli ay xubno ka tirsan ururka Midowga Yurub sheegeen in Soomaaliya aysan weli
siin dhaqaalihii loogu yaboohay, sababo la xiriira dhinaca maamulka lacagta oo aan sal-fadhiya lahayn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
http://www.hiiraan.com/news/2013/Dec/wa ... -44476.htm

