Somali President visits defense ministry - pics & video

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Somali President visits defense ministry - pics & video

Post by XimanJaale »



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Isniin, Dece 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegey xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, wuxuuna mid mid u galay dhammaan qaybaha ay xarunta wasaaraddu ka kooban tahay.

Madaxweyne Xasan oo intaas kaddib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay shaqada adag ee ay hayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dadaal badan ayuu madaxweynuhu sheegay in loo soo galay sidii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed dib loogu soo nooleyn lahaa, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay waxa ilaa iyo hadda qabsoomay iyo weliba sida ay howshu ku socoto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Ugu dambeyntii, wuxuu ku boorriyey qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliyeed, inay xil weyn iska saaraan sidii ay u gudan lahaayeen wajibaadka saaran ee loo dhaariyey, isagoo xusay in ciidan xooggan oo dalku yeesho uu yahay sida keliya ee lagu heli karo dowlad Soomaaliyeed oo quwad leh, si fiicanna cagaheeda isugu taagta.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla kamid ah: sugidda ammaanka iyo weliba sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid xasilloon.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”