Madaxweyne Xasan: ”Sanadkan waa sannadkii ciribtirka Al-shabaab”
Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa e xarunta dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shirka 22-aad ee Midowga Afrika. Isagoo sheegay inay Soomaaliya dalbanayso taageero ku aaddan cirib-tirka Al-shabaab.
Madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda saari doonan qorshaha 2063-ka oo dhigayo meesha qaaradda Afrika la doonayo inay gaarto marka la gaaro sannadkaas. Qorshayaasha ayaa waxaa ku xusan in Afrika ay qaadi doonto tallaabooyin ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, dhaqaalaha iyo horumarka.
”Sanadkan waxaan ku billownay guulo laga gaaray cadowga dalka, annagoo aad isugu diyaarinay kaalmana ka helayna saaxiibbadeenna, waxaana ku qasabnay inay waayaan meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan. culeys aysan u dulqaadan karin waan saarnay, kuwaasoo ay ka mid yihiin weeraro is-daba-joog ah oo meel walba ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa raaciyay: “Waan wadeynaa qorshayaasha aan ku doonayno inaan ku cirib-tirno Al-shabaab. Howshan waa inaan soo af-jarnaa sannadkan 2014.”
Madaxweyanha Soomaaliya ayaa wuxuu hadalkiisan kusoo beegmayaa xilli ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku leeyahay ay duqeyn ku dileen habeen saddexaad sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo ay dowladdu sheegtay inuu ahaa madaxii isku xirka Al-shabaab iyo xubnaha ajaanibta ah.
Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalkan, iyadoo duqeynta ay isla markiiba sheegatay dowladda Mareykanka oo dhowr jeer oo hore duqeymo caynkan oo kale ah ku dishay saraakiil Al-shabaab ka tirsan.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay beegsan doono mas’uuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan wasiirrada uu dhawaan soo magacaabay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Madaxweyne ku sheeg Hassan oo isku xaaray!
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 885 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 4 Replies
- 590 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 5 Replies
- 3281 Views
-
Last post by Lord Diplock
-
- 0 Replies
- 405 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 4 Replies
- 543 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 0 Replies
- 729 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 552 Views
-
Last post by GAMES
-
- 2 Replies
- 695 Views
-
Last post by Bibaaye6828
-
- 1 Replies
- 806 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 3 Replies
- 1440 Views
-
Last post by Typhoon