This lady if she ever sets foot in Mogadishu again should be thrown in a prison and kept there till she publicly apologises and pays a hefty fine for defamation. Same goes for these media's who are are being killed left right and centre mainly because of things like this
Reer Salaad Cabdi oo u mahad celinaya Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Gen. Gaafow
Anagoo kala ah Maxamed Salaad Cabdi iyo Maymuuna Salaad Cabdi ilmo hooyo Timiro Cukaash, waxaan qoraalkaan ku cadeyneynaa inaan mahadnaq balaaran u soo jeedino taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Somalia General Cabdullahi Gaafow Maxamuud, mahadnaqaasi oo ah gacantii balaarneyd uu naga siiyey soo celinta guryaheenii nagala heystay oo ay horay nooga dhaceen dad noo tashaday oo doonayey inay naga boobaan iyagoo ka faaideysanaayo nidaam daradii wadanka horay ugu socotay oo ay sababtay dagaaladii sokeeye oo Soomaaliya ka dhacay.
Waxaa lama ilaawaan ah gacantii uu Gen. Gaafow naga siiyey inaan guryaheena dib usoo ceshano iyada oo xiriirkeena uu ahaa mid derisnimo iyo asxaab Soomaalinimo.
Waxaa kaloo cadeyneynaa inaanan isku heyb iyo qabiil ahayn Anaga iyo General Gaafow, xaga qabiilka General Gaafow sida la ogsoon yahay waa nin Hawiye ah anagana waxaan u dhalanay qabiilka Daarood, waxaana iskugu imaanay Soomaalinimo iyo derisnimo.
Marka waxaa layaab nala noqotay in General Gaafow oo noogu gargaaray gacanna nagu siiyey sidaan guryaheena u heli laheyn illaa heer Maxkamadeed, inay ku soo eedeeyaan dad ku soo qoray website-yada qaarkood inuu yahay nin dhaca dhul islaameed taasoo ah gef ku ah Jen. Gaafow.
Waxaan halkaan ku cadeyneynaa inuu yahay General Gaafow kuna sifeysan yahay sida soo socoto:
a) General Gaafow waa nin Soomaali ah iskana ilaaliyo xoolaha islaameed mana heysato maanta baahi ku qasbeyso inuu dhaco dhul uu dad leeyahay.
b) Waa nin u naxariista deriska gacana siiya isagoo u gargaarayo haddii la dulminaayo.
c) Waa nin aan u fiirin wax qabadkiisa iyo gargaaridiisa qabiil, kuna dhaqma cadaalada iyo xaqa.
General Gaafow dabeecad ahaan inta aan ka naqaano ma ahan nin u sameysan dhaca iyo dulmiga dadka mana ahan markii ay qof wax ka gasho inuu mudan yahay in website-yada laga weeraro iyadoo sharaftiisa shaqsi ahaaneed wax loo dhimaayo, wuxuu u sameysan yahay wax kastoo lagu qabsado inuu leeyahay sabar uu uga tanaasulo.
MAHADNAQAYAAL
1)MAXAMED SALAAD CABDI IYO MAYMUUNA SALAAD CABDI
Sidoo kale waxaa arinta ka hadlaya xildhibaan Xasan Macalin Maxamed oo ka mid ah baarlalamanka Somalia isagoo yiri:-
“Aniga oo ah xildhibaan Xasan Macalin Maxamed, waxaan cadeynaa inaan goob joog u ahaa samafalkii iyo gacansiintii uu Jen Gaafow ka geystay arinta reer Salaad Cabdi, isagoo ahaa nin aan marnaba ka daalin gurmadka uu u fidinaayey reer Salaad Cabdi wuxuuna mudan yahay in loogu yeero magaca ah "U GARGAARAHA DULMANAYAASHA".
Waxaan kula talinaayaa cida websiteyada ku eedeysay Generaalka inay hortagaan si ay u wada hadlaan si loogu qanciyo cadaalada iyo xaqa.
http://dayniilecom.com/February2014/06February23.htm
Jamal Osman "Somali journalists are dying from corruption as much as conflict"
http://www.theguardian.com/commentisfre ... n-conflict
Beesha doesn't do/like dulmi it doesn't even need to for it creates its own wealth



