Wafdi ballaaran oo Horkacayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa maanta galinkii danbe si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ugaaska oo kasoo kicitimay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb galay Xubno ka socday labada gole ee dowladda, Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Salaadiin, Ugaasyo, Malaaqyo, Wabaro, Garaadyo, iyo dadwayne Farabadan, waxaana markii ay garoonka soo cagadhigatay Diyaarada siday Ugaaska ay isgacan qaadeen xubnihii soo dhawaynayay.
Ugaaska ayaa loo galbiyay Hoygii loogu talagalay waxaana Shir Jaraa’id oo Saxaafadda u qabtay uu ugu mahad celiyay xubnihii soo dhaweeyay.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta soo gaaro Caasimada Qaranka ee Muqdisho , waxaan u mahad celinayaa Xubnihii Wasiirada ahaa iyo Salaadiintii soo dhawayntayda qaybta ka qaatay oo runtii mudo badan aan soo wada shaqaynay badankooda , si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa dhammaan cid walba oo qayb ka qaadatay soo dhawaynta aniga iyo Wafdiga ila socday” ayuu yiri Ugaas Maxamed.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad (Taako) oo dhankiisa ka hadlay soo dhawaynta Wafdiga Ugaaska ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay soo dhawaynayso Ugaaska iyo Xubnaha la socday.
“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan soo dhawayno Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi hadaan nahay Xukuumadda Soomaaliya waxaan leenahay Ugaaska soo dhawoow, wixii kale ee Faah faahin ah iyo is waraysi dib ayaan ka bixin doonaa” ayuu yiri Wasiirka.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isna dhankiisa ka hadlay Shirka Jaraa’id ee soo dhawaynta Ugaaska ayaa sheegay Ugaas Maxamed inuu kamid ahaa Xubnihii da’daalka badan ku bixiyay sidii Ummada Soomaaliyeed ay uga bixi lahayd KMG.
“Waxaa maanta Farxad noo ah inaan kusoo dhawayno Magaalada Muqdisho Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo Ugaaska beesha Sade ah Caasimada Soomaaliya, anagoo ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan oo ugu horeeyaan Salaadiintii deegaanka kasoo jeeda oo hadda garbahayga Fadhiya, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Ugaas C/laahi Ugaas Faracadde, Ugaas Maxamed Bashiir, iyo dhammaan salaadiinta Soomaaliyed ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay si diiran usoo dhaweeyeen Ugaaska Beesha Sade waxaan leenahay Ugaas soo dhawoow waa Magaaladii aad Ugaaska u ahayd” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ku hadlayay Magaca Salaadiintii soo dhaweeyay Ugaaska.
Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4133
- Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
He is not visiting Xamar. He was told to leave Kismaayo by Fartaag because it might become a warzone. The Ugaas no longer supports the Jubba Maamul.
- greenday
- SomaliNet Super
- Posts: 12366
- Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
- Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
I'd love that shall 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7584
- Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
- Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
Supreme ugaas of Beesha sade is Barre hiiraale.
This toilet papper of madoobe is no ugaas of mine
This toilet papper of madoobe is no ugaas of mine
- Gabre
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1642
- Joined: Sun Jun 23, 2013 10:52 am
- Location: Shores of Eretz Ogadenia, making aliyah
- Contact:
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
Too bad Somalis don't vote in any of these useless geezers who act like they represent us.Nomand wrote:Supreme ugaas of Beesha sade is Barre hiiraale.
This toilet papper of madoobe is no ugaas of mine
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
Supreme ugaas of Beesha sade is Barre hiiraale.
This toilet papper of madoobe is no ugaas of mine
niicle
ha iska caayin duubka xiniinyahaaga ey ku margaye
This toilet papper of madoobe is no ugaas of mine
niicle
ha iska caayin duubka xiniinyahaaga ey ku margaye
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Supreme Ugaas of Beesha Sade visits xamar
He is fake ugaas.
The ugaas and amiir of marexaan is Maslax. The Siyad Dynasty continues
The ugaas and amiir of marexaan is Maslax. The Siyad Dynasty continues

- AbkoowDhiblaawe
- SomaliNet Super
- Posts: 14237
- Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
- Location: chilling in Liido beach
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1768 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 3 Replies
- 824 Views
-
Last post by Adali
-
- 120 Replies
- 8449 Views
-
Last post by Tanker
-
- 0 Replies
- 473 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 4 Replies
- 821 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 12 Replies
- 2188 Views
-
Last post by pmfaraajo
-
- 3 Replies
- 1028 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 8 Replies
- 805 Views
-
Last post by shidow1
-
- 0 Replies
- 777 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 4 Replies
- 774 Views
-
Last post by siren