Fight erupts in Baydhabo after farce election

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Fight erupts in Baydhabo after farce election

Post by Sagaashan »

Baydhabo (RBC) War hadda naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay meel bartamaha magaalada Baydhabo ku taalla.

Dagaalkan ayaa ka bilawday sida la sheegay muran dhexmaray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan booliska iyo kuwa militariga kuwaasoo sida la sheegay kala taabacsan dhinacyada maamulada iska horjeeda kala sheeganaya ee ku sugan Baydhabo.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka dhacay saldhiga booliska ee loo yaqaano saldhiga Bari, halkaasoo rasaastaay ka qaraxday.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey geerida afar ruux oo uu ku jiri taliye ku xigeenkii booliska ee gobolka Baay kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Col Kurtun.

Waxaa la soo sheegayaa tiro dad dhaawac ah kuwaasoo weli aan la xaqiijin waxa ay kala yihiin.

Rasaasta ayaa joogsatay qadar ka dib markii ay ciidamada AMISOM goobta yimaadeen.

Dagaalkan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa yimid iyadoo maanta gelinkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ee ku sugan Baydhabo ay joojiyeen bannaanbax lagu taageerayey Madoobe Nuunow Maxamed oo Isniintii loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”