Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by Substance »

Image
Image
Image


-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ka dib kulan labo dhinac ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf caawa ugu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by original dervish »

Another huge victory for Somalia. :lol:
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by Substance »

original dervish wrote:Another huge victory for Somalia. :lol:
Its a step in right direction but the Republic will rise and you and other anti Somalia are gonna be dissappointed in the end :lol:
Estarix
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2707
Joined: Sun Aug 29, 2010 3:39 am

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by Estarix »

Not much pasting the article, can you summarise what happened in this meeting.
User avatar
BlackRain
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4196
Joined: Thu Sep 13, 2012 1:06 pm

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by BlackRain »

Estarix wrote:Not much pasting the article, can you summarise what happened in this meeting.
Magan alla magan rasuul
Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7584
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by Nomand »

The Japanese PM must be thinking why is this clown laughing all the time
aadan21
Posts: 3
Joined: Fri Mar 14, 2014 1:56 am

Re: Hassan sheikh meets the japanese pm Shinzo Abe

Post by aadan21 »

caadi maha
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”