we will see Somaliland's responseDowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay galabta booqashadii madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu maanta gelinkii hore ku tegay degmada Laas-qoray ee bariga Sanaag.
Wasiirka warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xaruunta wasaarada, wuxuu sheegay in Puntland socdaalkaas u aragto daan-daansi.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ka digayso isku dhac maamul oo dhex mara deriskooda, wasiirka oo ay weriyaashu su’aalo weydiiyeen ayaa sheegay in Laasqoray aysan ahayn furin dagaal.
Ciidamada Puntland ayaa si dhaqso ah u gaaray deegaanka sida uu hadalka u dhigay iyagoo haatan gacanta ku haya magaalada, kadib booqashadii madaxweynaha Soomaaliland.
Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo katirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daan-daansi iyo xad-gudub lagu soo xad-gudbay xadduuda Puntland.
Punland waxay diyaar u tahay inay difaaacdo xadduudeeda islamarkaasna waxay ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed iyo shacabka dariska ah.
Cabdiweli Xirsi Cabdille
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta
Horseed Media
http://horseedmedia.net/2014/03/16/punt ... laasqoray/
