AMISOM collaborating with Alshay.. Chilling in Galkacyo, GM.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19065
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

AMISOM collaborating with Alshay.. Chilling in Galkacyo, GM.

Post by FarhanYare »

Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa caawa ku qaylo dhaamiyay dagaal-yahanada Shabaabka, in ay soo buuxiyeen Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Shabaabka ay ka kala yimaadeen dhulka ballaaran ee hawlgalada looga qabsanaayo, isagoo xusay in Galkacyo ay door bideen sidii ay ugu noollaan lahaayeen.

Madaxweynaha, wuxuu sheegay in raggaan ay isugu jiri karayaan kuwo doonaayay in ay marka hore isu ekeysiiyaan dadka Deegaanka, deetana ay uga geystaan falal ka baxsan ammaanka. Kuwa kalana wuxuu sheegay in ay dhici kareyso in ay u tallaabaan dhanka Buuraleyda Galgala.

Masuulkaan oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wax laga weydiiyay sida ay ku ogaadeen in Shabaabku ay soo buuxiyeen Galkacyo, wuxuuna sheegay in ay jiraan rag ay gacanta ku dhigeen, isla-markaana ay xaqiiqsadaan in si weyn ay u soo galayaan Galkacyo, iyagoo iska dhigaaya dadka caadiga ah, sida uu yiri.

Inkastoo uu soo dhaweeyay hawlgalada Shabaabka looga saaraayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, ayuu hadana sheegay in ay iyagu taasi culeys weyn ku keeneyso.

Cabdi Xasan Cawaale, ayaa Dowladda iyo Beesha Caalamkaba ka codsaday in laga gacansiiyo, sidii ay kaga hortaggi lahaayeen Ururka Al Shabaab, si aynaan xaalad qal qal ah uga samayn, ammaanka Magaalada Galkacyo.

General Cabdi Qaybdiid, ayaa Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobe ku eedeeyay, in ay ka gaabiyeen, in Xabsi weyn laga hirgeliyo Gobolada Dhexe, si loogu xir xiro ragga Shabaabka taabacsan, loogana gudbo khatarta ka imaaneysa.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa horey u sheegay in Shabaabka laga saaraayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, ay culeys ku keeni doonaan Magaalada Galkacyo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”