Some of the Sade citizens of Mogadishu have discussion with the Sade Ugaas and some other Sade clan elders like Suldaanka Beesha Reer Ahmed , also some Sade politicians and ambassadors.
Shir ballaaran oo maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Beesha Sade oo iskaga kala yimid guud ahaan deeganada kala duwan ee ay beeshu dagto ayaa waxaa kasoo qayb galay Ugaaska Beesha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Nababdoonada, Aqoonyahanada, Haweenka, waxgaradka iyo dhalinyarada Beesha ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay Ugaaska guud ee beesha Sade,Waxaana ujeedkiisu ahaa sidii warbixin looga dhagaysan lahaa Wafdi uu Ugaasku hoggaaminayey oo dhawaan ka yimid Kismaayo, iyo sidoo kale in beesha laga wada shaqeeyo sidii ay u midoobi lahayd.
Ugu horreyn waxaan kulanka daah Furrey Ugaaska Beesha Sade oo dhammaan kasoo qayb galayaasha uga mahad-celiyey sidii ay u soo xaadeer madasha kulanka.Isagoona intaasi kaddib ka warbixiyey waxyaabihii uu kusoo arkey intii uu ku sugnaa degmada Kismaayo iyo waliba hadafka uu Muqdisho usoo gaaray taasoo uu ku sheegay midaynta beesh Sade.
“Anagu waan nahay Jubbaland juhdi iyo waqti badan baan ku bixiney, laakiin Jubbaland tii aan rabney ma ahan maanta waxa ka jira Kismaayo” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Kismaayo dhibaatooyin Farabadan loogu geystay guud ahaan bulshada Beesha Sade kasoo jeeda ee ku dhaqan Kismaayo, hase ahaatee wuxuu sheegay inaysan ka daalayn sidii deeganadaasi ay u heli lahaayeen maamul ay dadku isku raacsanyihiin.
Ugu danbayn Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa ugu baaqay beesha Sade midnimo si loo gaaro Hadafka la higsanayo oo ah Horumarka iyo nabad-galyada deeganada Jubbooyinka ee Beeshu dagto iyo wada noolaasho Nabad ku dheehantahay ee dhex mara dadka ay wada dagaan guud ahaan Jubbooyinka.
Suldaan Shaale Cibaad Bulxan oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa sheegay in beesha Sade ay tahay dadka ugu badan ee dagan Jubbooyinka isla markaana ay tahay inay ka shaqeeyaan horumarka deeganada Jubbooyinka iyo Gedo wuxuuna xusay mar walba inay taageersanyihiin maamul Jubbaland haddii uu noqdo mid bulshada u dhexeeya, hase-yesheen Suldaanka ayaa xusay inay jiraan dhaliilo farabadan oo laga tirsanayo maamulka Iminka jira loona baahanyahay in la saxo, isagoo dhanka kale sheegay Beesha Sade inay doonayso maamul ay dadku ku qanacsanyihiin in laga sameeyo Jubbooyinka.
Ambassador Aaden Xirsi Ciise (Sandheere) oo kamid ah aqoonyahanada Beesha Sade oo isna kulanka ka hadlay ayaa kasoo qeyb-galayaasha uga warbixiyay safar uu dhawaan ku gaaray magaalada Kismaayo iyo waxyaabihii uu kusoo arkey, isagoona sheegay in ifafaalo aan wanaagsanayn ay ka jirto magaalada Kismaayo marka loo eego dhibaatooyinka lagu hayo beesha sade, wuxuuna sheegay in dhammaan arimahaasi looga gudbi karo isku duubni.
Sidoo kale waxaa kulanka hadalo ka jeediyey qaar kamid ah Hawenka Beesha Sade ee ku dhaqan gobolka Banaadir iyo dhalinyaradii kulankaasi kasoo qayb galay iyagoo dhammaantood ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Beesha Sade.
I didn't participate if ur wondering.
