Mooshin ka dhan ah Xasan oo socda
5 May 5, 2014 - 5:31:45 AM

Magaalada Muqdisho haatan waxaa ka socda kulan gaar ah oo looga soo horjeeda madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo ay leeyihiin mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii ay ku qanci waayeen sida ay dowladu wax u wado.
Kulankaan ayaa wuxuu ka socdaa Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana xildhibaanada ay ku diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka maqan wadanka.
Xildhibaanadaan ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo dowladiisa ay ku fashilantay howlaha loo igmaday aysana suurta gal ahayn inay siishaqeeyaan madaxda dowlada maadaama howlihii ay balan qaadeen oo dhan wali waxba ka hirgalin.
Wararka ayaa sheegaya madaxwayne Xasan dhowaan markii uu tagay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti in loo sheegay inuu ku fashilmay howlaha horyaalay dowladiisa caalamkana ay u soo jeediyeen inuu xafiiska banaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan dowladiisa ayaa haatan waxay dadaal badan ugu jiraan sidii ay xal ugu heli lahaayeen culeeska badan ee ka soo foodsaaray caalamka iyo cadaadiska ah inay xafiisyada banaayeen.
Wararka ayaa sheegaya sidoo kale xiriirkii xun ee kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya Dowladaha dariska ah ee Itoobiyaha iyo Kenya inuu keeni karo in madaxda dowlada aysan dhamaysan waqtigooda.
Arimahaan waxay ku soo aadayaan xili amaanka wadanka uu faraha ka siibayo kooxda Al-Shabaabna ay ugaarsanayaan madaxda dowlada isla markaan ay ku beegsanayaan caasimadii dalka oo ay dowladu ku shaqaynayso.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarada ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay madax ka tirsan dowlada Somaaliya, waxaana Qaramada Mdioobay ay soojeedisay in loo baahanyahay xal u helida amaanka Dalka.
Argagixisada Shabaab horay waxay u weerareen madaxtooyada Soomaaliya ayaga oo doonayay inay ku dhexdilaan madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud in kastoo madaxweynaha uu ka baadbaaday weerarkaasi.
GAROWE ONLINE



