24 May 24, 2014 - 2:00:07 AM


War hada Muqdisho naga soo gaaray ayaa sheegaya in Qaraxyo iyo rasaas toos ah ay ka socoto meel u dhow xarunta gollaha baarlamanka Somalia iyo inta u dhaxaysa xarunta wasaradda arrimaha gudah DF.
Wariyaha GO uga soo waramaya magalada Muqdisho oo ku dhow halka ay rasaasta iyo qaraxyadu ka dhacayaan ayaa soo sheegay inay xaaladu adag tahay oo aan wax war ah laga bixin karin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan tooska ah ka yimi.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya rasaas xoogan inay is-waydaarsanayaan ciidanka AMISOM oo xarunta Gollaha shacabka ilaalinaya iyo kuwo weerarka soo qaaday oo aan ilaa iyo hada la aqoon.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qaarkood ku sugan xarunta waxana la kala cadayn karin weerarku inuu xarunta gudaheeda ka socda iyo inuu ka socdo meel u dhow.
Wali war saxan lagama heli karo oo way adag tahay in meesha la tago maadama uu socda dagaal toos ah iyo qaraxyo mar mar la maqlayo.
Waxa uu kusoo aadayaa weerarkan xili magalada DF Xasan Shiikh Maxamuud uu bilaabay socdaalo habeenkii uu ku tago xarumaha ku yaala magalada Muqdisho oo amaankeeda lasii adkeeyay.
WIxii kusoo kordha kala soco GAROWE ONLINE