Listen here....>>> http://markacadey.com/2014/06/04/afduub ... abargidir/Markacadey.com : Maleeshiyaad Habargidir ah oo ku soo labistay dareyska dowladda Somalia ayaa maalmahan dhibaato xooggan ka waday shacabka gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanada beesha Biimaal.
Dhibaatada lagu hayo shacabka ayaa maalinba maalinta ka dambeyso sii xoogeysaneysay, dhacdada ugu darneyd ayaa ahayd markii wiilal dhalinyaro ah oo beeraha u socdo oo ka soo baxay magaalada Marka laga qafaashay deegaanka Shalambood ee duleedka degmada Marka oo soo buuxdhaafiyeen maleeshiyaad ku labisan dareyska dowladda oo dhammaantooda ka soo jeedo Habargidir.
Hooyo Caasho waa hooyada dhashay C/wahaab Cusmaan oo ka mid ah wiilasha afduubka ay u haystaan maleeshiyaadka Shalambood ku soo galay iyagoo adeegsanayo magaca ciidanka dowladda Somalia.
Hoos ka dhageyso wareysi aan la yeelanay Hooyo Caasho oo ka hadleyso afduubka loo geystay wiilkeeda:
Galgaduud Thugs

