X.Playa wrote:selling these imported goods to the new somaliland upper class means nothing when 90% of the average folks can't afford rice.
I agreed. Runtii ayaan daradda ina haysataa waa taas. Waxaad arkaysaa nin dhistay dabaq cajiiba, guriga dhinaca ku hayaana yahay jiingad ama buul. Waxa laga yaabaa ninka guriga dabaqa ah ku jiraa waa ganacsato, ganacsiga ayuu dibada kasoo waaridaa, ka dibna qiimuhuu doono ku iibiya oo waliba dollar ah. Guriga daris kiisa ahna maalmaha qaar daba lagama shito, sababtoo ah lacagtii shilling ka Somaliland bariis usoo goyn mayso ileen wax walba dollar ayaa lagu iibinayaa.
Dadkeenu waxay ahayd inay dabaqada dhexe iyo ta sare ka sinaadaan taana waxa fure u noqon lahayd iyadoo lacagteena qiimo loo yeelo, oo waliba dawladdu xil badan iska saarto dollarkana la xakameeyo sida wadanka dariskeena ah ee Itoobiya.