Teaser Image Nin Idha-shareeran oo lagu qabtay Qeybta Dumarka, Masaajid ku yaala London
Nin ku labisan Jilbaab iyo Indhashareer ayaa Xalay, Habeenkii Axaddu soo galeysay lagu qabtay Masaajidka Vauxhal Negashi Centre ee Koofur Galbeedka Magaalada London.
Fajac iyo Isku dhexyaac ayaa wuxuu yimid kadib markii Haweeney ay ka shakisay kana Xayuubisay Indha-shareerkii Wajiga uga daboolnaa Ninkaan, wuxaana Masaajidka Qeybta Dumarka ka dhashay Qeylo iyo Argagax.
Haweeney Masajidka ku tukaneysay ayaa Tifaftiraha Keydmedia Online ee London ku tiri: "Argagax ayaa yimid, Salaadii ayaa laga baxay, waa la isku dhexyaacay, Ninkii Dumarkii way qabteen, waxaa laga xayuubiay Indhashareekii, Gabar ayaa waxey go' soo siisay Labadii Naasood, waxeyna aragtay in ay ahaayeen implants (Naaso Been ahaa)."
Dumarkii Ninkii way qabteen, weyna iskugu tageen oo mid walba waxay ku dhufatay wixii ay ku dhafan kartay, dhulka ayeena dhigeen ayagoo Feer, Haraati, Boorso, Moobilka gacanta lagu qaato midbka wixii u dhawaa ay ku garaacday.
Daqiiqado kadib, waxaa soo gurmaday Kooxda Ammaanka ee Masaajidka oo Ninkii Qoor-qabasho iyo garbaduub intee u qabteen Banaanka u saaray, meeshaasna Askarta loogu wacay.
Qeybladii ayaa waxey gaartay Qeybtii Nimanka iyo Imaanka Masaajidka, Asna wuu argagaxay oo Salaadii Taraawiixda oo loo taaganyahay Ragacadii Koobaad ayuu Salaama Naqsaday.
Inkastoo ay baaritaanno wali socdaan, Ninkaan ayaa waxaa loo fasiran karaa in uu ahaa Nin jiran oo Maaniyak ah, Nin sahminayay in uu Islaamka ku fuliyo Fal Argagixiso ama Nin tuug ah oo rabay in uu Afduubto Ilmaha yaryar.
Ninkaan ayaa ahaa Nin Cad oo aan wali la xaqiijin Qollada uu u dhashay.
Arintaan ayaa Dadkii Islaamka ahaa waxey ku abuurtay Argagax weyn, ilaa hadana way isweydiinayaan Sababta dhabta ah oo Ninkaan ku kaliftay in uu falkaan ku kaco. Waxaana Dadka Muslimiinta ah looga digayaa in ay Muujiyaan Taxadar dheeraad ah iyo Fiijigsannaan, siiba Ilmaha yaryarka ah in aysan Masaajidka usoo wadin Saacadaha dambe ama ay Gacanta ku heystaan.
Maamulka Masaajidka ayaa sheegay in ay dhacdadaan Faah-faahin ka bixin doonaan, markii lasoo xiro Baaritaanka Booliska.
Wixii Faah-faahin ah kala soco Bogga Keydmedia.net
Keydmedia Online - London




