Serious famine and water shortages in Ceelwaaq - Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Xildiiid
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7200
Joined: Thu May 15, 2014 4:45 pm
Location: Since light travels faster than sound, people appear bright until you hear them speak

Serious famine and water shortages in Ceelwaaq - Gedo

Post by Xildiiid »

Image

Degmada Ceelwaaq oo looga dhawaaqey Gudiga Gurmadka Abaaraha
Print here| By: allgedo.com: Monday, September 8, 2014 // 1 Jawaab
Iyadoo ay ka sii dareyso xaalada Abaareed iyo mida biyo la’aaneed ee ka taagan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa ilaa iyo hadda ayan jirin cid u soo gurmatey Gobolkan oo dadkii reer miyiga ahaa intooda badan ay dhaafeen xoolahii ay dhaqanayeen, halka kuwa kalena ay biyo iyo baad ay u doonteen deegaano ka kala tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Bay.
Hadaba kulan maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq oo ay isugu yimaadeen Maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Ganacsatada,Dhalinyarada,Culama u diinka iyo waxgaradka degmada Ceelwaaq ayaa looga dhawaaqey Gudiga Gurmadka Abaaraha degmada Ceelwaaq oo ka kooban ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo dal iyo dibadba dadaal u geli doona sidii Gurmad Bini’aadinimo loogu fidin lahaa dadka ku tabaaleysan Ceelwaaq iyo deegaanada ku xeeran.
Qaar ka mid ah waxgaradka Degmada Ceelwaaq oo ka hadley Kulankii Maanta ayaa waxaa ay sheegen in abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan ay sababtay in ay u geeriyoodaan xool garaaya boqolaal isugu jira ari iyo lo waxaana ay ka digeen in hadii ay taasi sii socoto ay keeni karto musiibo bini’aadanimo oo halkaasi ka dilaacda.
Gudiga Gurmadka Abaaraha degmada Ceelwaaq ayaa waxaa Gudoomiye loogu doortey, Faarax Macalin Bishaar, Ku xigeena Maxamed Cumar Guure iyo Xoghaynta Gudiga Maxamed Ibraahin Cumar iyo 4 xubnood oo ka mid ah Gudiga.
FG: Waxii faah faahin ah kala Xariir Faarax Macalin Bishaar oo ah Gudomiyaha GudigaAbaaraha degmada Ceelwaaq, Telefon Lambar 00252616600770 ama 00252615472391.
A Ibraahin, Garbahaarey-Gedo.
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Serious famine and water shortages in Ceelwaaq - Gedo

Post by thegoodshepherd »

:russ:

Those people are not Merehan :lol:
Xildiiid
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7200
Joined: Thu May 15, 2014 4:45 pm
Location: Since light travels faster than sound, people appear bright until you hear them speak

Re: Serious famine and water shortages in Ceelwaaq - Gedo

Post by Xildiiid »

Who are they? D&M?

So it's true that Gedo is majority D&M?
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”