Is that Fadal who was angry and mocked his clan for losing camels to a rival clan?LeJusticier wrote:Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e
Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade
Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye
Iyadoo xeryaha looga dhigay, qaydka dhinaciisa
Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo
Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaye
Kolkuu dheelmo kibirkii durduro, dhagac ka soo siiyey
Ee uu baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey
Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey
Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey
Dhego loo sameeyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo
Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa
Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey
Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey
Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey
Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey
Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey
Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto dabo qaaday
Ay ololka dhacadiidisay baad, dhicin lahaydeene
Dharcastii magaalo iyo dilaal, dhuuntay baa wadaye
Gabayga iskuma ficanin.