Waakan sawir inamaha inan ka mid ah. Ilaahay ha uu naxariisto! No'one arrested!

Wararka ka imaanaya dhulka barakeysan ee Sacuudiga ayaa sheegaya in gabdho soomaaliyeed lagu dilay kadib markii gabood fallo xun lagula kacay.
Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Sacuudiga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Rag Sacuudiyaan ah ay qafaasheen sedax gabdhood oo Soomaali ah kadibna ay kufsi iyo dil kula dhaqaaqeen.
Gabdho Soomaaliyeed oo gaarayo ilaa 3 gabdhood ayaa la sheegay in ay qafaasheen qaar katirsan darawallada gaadiidka Taksiga kufsi kadibna inta gowraceen ayay meydadkooda oo jarjaran inta ay bac ku gureen ayey kusoo daadiyeen goobaha qashin qubka ah.
Booliska Magaalada Riyadh ee Sacuudiga ayaa la sheegay in ay baaritaanno kuwawadaan arintan,kufsiga iyo dambiyada kale ee xun xun ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusoo badanayay wadanka Sacuudiga.