Beesha Caabudwaaq oo war cad kasoo saray dhismaha maamulka gobolada Dhexe ee muranku ka taagan yahay
Waxgaradka Beesha Caabudwaaq ayaa maanta war cad kasoo saaray muranka ka taagan maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale waxgaradka Beesha Caabudwaaq oo ka hadlay Shirka dhawaan la cilaamiyay ee Beesha Caabudwaaq ku yeelaneyso magaalada Cabudwaaq ayaa daboola ka qaaday in ay taageersan yihiin qabashada shirka guud ee Beesha Caabudwaaq dhawaan uga furmayo magalada cabudwaaq.
Ugu danbeyntii waxgaradka Beesha Caabudwaaq ayaa ka digay dhismaha maamul Beeleed hal gabol ah oo aan Dastuurka Soomaaliya wafaaqsaneen, hadii lagu dhaqaaqaana sheegay in ay iyagana Maamulka Puntland ku biiri doonaan.

