
War Deg Deg ah– Xukuumada Cusub oo Khamiista lagu dhawaaqayo, Sadex Wasiir oo wasiiradii la diidanaa oo soo noqonaya
Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid uu Xukuumadiisa ku dhawaaqi doono Khamiista habeynka jamcadu soo galayso.
Sida Puntlandi Warka ku heleen waxaa hada diyaar ah liiska Golaha Wasiirada Xukuumada Raysal wasaare Cumar.
Wasiirada sababta u ahaa in Xukuumadii hore uu Raysal wasaaruhu dib ula noqdo ayaa Sadex kamid ah ay soo noqonayaan.
Sadexdaas oo ah.
1– Farax Cabdulqaadir
2– Xuseen Cabdi Xalane
3– Cabdikariin Xuseen Guuleed
Wasiiradaan mid walba waxaa lagusoo celinayaa Wasaaradiisii.
San Balooshe iyo Beyle labadaba way waayayaan xilalkooda.
Dhinaca kalena Xildhibaanada labada Kooxood ah oo kukala mideysan laba Golle ayaa kulan wada jir ah oo ay maanta yeesheen waxay wacad ku mareen hadii Wasiiradaan aan kor kusoo xusney ay dib usoo laabtaan ay afka dhulka u darayaan Xukuumada, Xildhibaanadaan ayaa kor u dhaafaya 150 Xildhibaan.
Puntlandi.com
Muqdisho
http://puntlandi.com/war-deg-deg-ah-xuk ... -noqonaya/