


Madasha wadatashiga iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed ayaa maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho, waxaana shirkoodu ahaa mid ay ku dooranayaan masuuliyiinta ugu sareysa golaha midnimadda.
Madashan oo ka kooban Xildhibaano iyo siyaasiyiin magac dheer ku leh dalka Soomaaliya, ayaa ujeedkiisa loo asaasey yahay sidii ay talada dalka wax ugu yeelan lahaayeen.
Madasha Midnimada ayaa maanta doortey guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen, waxaana guddoo,iyaha Madasha Midnimada iyo Wadatashiga loo doortey raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed, labadiisa ku xigeen ayaa loo doortey Cabdiraxmaan Baadiyow, oo sanadkii 2012 ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan. Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqdey Wasiirka gaashaandhigga.
Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh ayaa miisaan siyaasadeed ku yeeshey Soomaaliya kadib markii dad badan oo ka soo horjeeda siyaasadda Damuljadiidku ay arkeen in u yahay nin go’aan adag, isla markaana leh awood uu wax dalka uga qaban karo, waxaana taageerayaashiisa ka mid noqdey Xildhibaano badan oo aaminsan in lugaha loo bixiyo siyaasadda Damuljadiid ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Madasha wadatashiga ayaa ah kan ugu awoodda badan dhaq-dhaqaaqyada isu diyaarinaya isbeddelka 2016 , inkasta oo shaki weyn laga qabo in xil kororsi uu dhaco.

'' Jaale
Are you f-king retarded??