Ismaaciil Muuse iyo Luula Axmed Daahir responsible for Central Hotel Massacre

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Ismaaciil Muuse iyo Luula Axmed Daahir responsible for Central Hotel Massacre

Post by THE_TRUTH1 »

Ruux dumar ah oo ka mid ahayd dadkii fuliyay qaraxyadii ka dhacay Hotel Central
by mahad | Saturday, Feb 21, 2015 | 3127 views




Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay duhurnimadii Jimcaha magaalada Muqdisho geystayna qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaaawac ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen labo ruux oo haysta dhalashada Netherland.

Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtey in ay rumeysan yihiin labada ruux ee is qarxisay ay ahaayeen wiil iyo gabar haysta dhalashada Holland kuwaasoo muddo joogay hotelka

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP Ismaaciil Muuse ayaa la oran jirey ninka ka dambeeyay gaariga qarxay halka Luula Axmed Daahir ay isku qarxisay hotelka gudihiisa xilligii salaada jimce.

AFP ayaa qortay in haweeneyda is qarxisay ay muddo afar bilood ah ka shaqeynaysay hotelka. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay labada ruux balse aan la xaqiijin in ay ahaayeen xaas.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday hotel Central. Mana aha markii ugu horeysay ee dad haysta dhalasho European ah asalkoodana Soomaali ah ay fal ismiidaamin ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”