Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by ramzy2277 »

whats the catch behind this story..!!....I read those are the neighbors of Dahabshiil Bank in Hargeisa with the shag houses and cant afford to build proper houses, Dahabshiil has expressed his interest to buy the lands surrounding his Bank premises ,but those shag houses residents refused,and it seems they have reached an agreement....so anyone can confirm this story.

(SLT-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa xadhigga ka jaray 42 guri oo cusub oo shirkadda Dahabshiil u dhistay qoysas deganaa guryo yar-yar oo ku yaalay wajahadda Waqooyi ee dhismaha xarunta Bangiga Dahabshiil ee xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa.

Guryahan oo ah dhismayaal dhammaantood daaro ah oo si laga hirgeliyey dhul ballaadhan oo ka mid ah xaafadda Biibsiga ee caasimadda, isla markaana ay si rasmi ah ula wareegeen 42 qoys oo isugu jira qaar ciidammada kala duwan ah iyo kuwo shacab ah, waxa xaflad xadhigga lagaga jaray shalay ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Iimaan Fadal iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabashiil.
Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaasi, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shirkad ahaan in ay ku wareejiyaan guryahan cusub qoysaskii loogu talogalay, taas oo qayb ka ah in Dahabshiil Group dib ugu celiyo shacabkooda waxay ka hesho.
Mr. Cabdi Faarax waxa uu sharraxaad ka bixiyey guryahan iyo qaabka loo dhisay, waxaannu yidhi, “Guryahan waxaannu u dhisnay si lexejeclo leh, waxa la geliyey biyihii, laydhkii, albaabada dhammaantood waxaannu ka dhignay bir, waxaannu u samaynay bullaacado dhaadheer si aanay u buuxsamin iyo biyo-mareenno, waxa kaloo loo sameeyey maasij iyo dugsi ama malcaamad carruurtu wax ku barato oo labadu ku dhexyaal xayndaamka guryaha oo ah laba qaybood ama sakadood oo iska soo horjeeda iyo qayb saddexaad oo xagga dambe uga sii jeeda oo leh barxad wayn, waxaanay guryahani isugu jiraan qaar laba qol, madbakh iyo suuli ka kooban, qaar saddex qol ah iyo kuwo ka sii badanba, kuwaas oo qoys walba kii uu lahaa galay. Guryahan dadka ayaa iska leh ee dawladdu ma laha, horena waxay uga soo guureen guryo yaryar oo cidhiidhi ah oo dawladdu leedahay,” ayuu yidhi Cabdi Faarax.


Waxa kaloo uu uga mahadnaqay qoysaskan guryaha loo dhisay ixtiraamka ay muujiyeen iyo sida wanaagsan ee ay mar ugu wada guureen guryahooda cusub.
Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in 42 qoys ee shirkadda Dahabshiil guryaha u dhistay oo isugu jiray kuwo ciidan iyo shacaba ay ahaayeen dadkii deganaa wajahadda dhinaca Waqooyi ee dhismaha Xarunta Bangiga Dahabshiil ee xaafadda Laynka Booliska ee caasimadda.
“Guryahan oo dadku iyagu leeyihiin waxa loogu beddelay meel yar oo deganaayeen oo barxad baabuurta la dhigo looga dhigay xarunta Bangiga Dahabshiil, laakiin dhul laynka bilayska ah oo la iibiyey ma jiro oo hadhow war la dhigaa,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo dhaweeyey dhismaha guryahan iyo dadka lagu wareejiyey oo uu xusay inay ku jireen guryo yaryar oo cidhiidhi ku ahaa, isagoo uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil tallaabadan ay qaaday, waxaannu yidhi, “Waxaannu ku faraxsanahay in qoysaska halkan jooga oo markii hore ku jiray guryo yaryar oo cidhiidhi ah oo is-dulsaarnaa in maanta loo dhisay guryo ku filan oo ay iyagu iska leeyihiin runtii ah arrin qiimo wayn leh, waxaannan halkan uga mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo xilkasnimo wayn ka muujisay dadkii deganaa wajahadda dhismaha (xarunta Bangiga Dahabshiil) ee ah inta gaadiidka in la dhigto loogu talogalay in guryahan ay u dhisto oo aannu u aragno masuulyad wayn iyo dadaal ay sameeyeen.”
Wasiir Warancadde waxa uu caddeeyey in xaafadda laynka boolisku sideedii ahaan doonto, lana sii kordhin doono guryaha boolisku degan yahay, “Dadkani waxay isugu jiraan qoysas shacab ah, kuwo ciidammada millateriga, boolis iyo asluubta ka tirsan. Laynka booliskuna waa sidiisii oo waxa laga dhisi doonaa guryo kale oo badan oo booliska loo dhisi doono Isha Allaah,” ayuu yidhi Md. Cali Warancadde, waxaannu shirkadaha kale iyo ganacsatada waawayn ee dalka ugu baaqay inay hoos u eegaan dadkooda jilicsan, isla markaana ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dhulkooda si looga helo shaqo abuur dhallinyaradu ka faa’iidaysato.
User avatar
SayyidUmar
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 994
Joined: Wed Aug 13, 2014 5:56 pm
Location: All things being equal,

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by SayyidUmar »

dhabshiil gets in return 90% of the unbuilt land in laynka booliska which was govt property & these squatters/mooryaan got 42 house, mini dugsi, & masjid built as payment for their theft in 91.

dhabshiil gets the dhulka banaan that used 2 be used as football pitch. It's quarter of km long & wide. i wonder what the mooryaan reer samatar & qaxoonti GB will make of this??? They expected a big pay day :lol:

both dhabshiil & squatter/mooryaan are theifs who collabrated on stolen govt assets which the qudhimiye regime with their thugs waraancadde iyo chief of boolis stamped with seal of approval.
ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by ramzy2277 »

thanks for the info sayyid.
User avatar
SayyidUmar
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 994
Joined: Wed Aug 13, 2014 5:56 pm
Location: All things being equal,

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by SayyidUmar »

your welcome saaxib.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by original dervish »

Seems like a god deal to me. :)
User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by LiquidHYDROGEN »

Well maybe if dhiigshiil paid his taxes, the goverment would have enough income to pay for social housing themselves.
User avatar
Togdeer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2867
Joined: Tue May 27, 2014 11:43 pm

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by Togdeer »

Dahadshiil is the true leader of Somaliland. The guy can do what he likes and get away with it. And he don't pay a penny of tax. If these wealthy oligarchs were to pay there tax, even a small percentage of their income. Then Somaliland would be making $100+ million in taxes.
CunaayeLander
Posts: 29
Joined: Wed Oct 08, 2014 12:01 pm

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by CunaayeLander »

I hate how the rich guys are only building Hargeisa like WTF mxa ka qaldan?????
All the money,best school,hotels,buildings goes to hargeisa. A good example is the so called Hargeisa International Airport. Ilaah baan kugu dhaarshe orod eeg Do you see any difference between naqshadi hore iyo ta dambe??. They are running from building the rich cities(in history, beaches etc) to a cold dooxo buuralay ah SMH!!!
Xildiiid
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7200
Joined: Thu May 15, 2014 4:45 pm
Location: Since light travels faster than sound, people appear bright until you hear them speak

Re: Dahabshiil builds 42 houses for low income citizens in Hargeisa..!!

Post by Xildiiid »

The Oligarchs do not pay tax. They import goods and then transport the goods from Berbera to the border town of Wajaale because there's basically no taxation there and then they ''reimport'' the goods to the major cities and towns of Somaliland. They have destroyed the small and medium sized enterprises because they want to control every aspect of the trade. They would make enough money as wholesalers for the smaller businesses who do not have the same prospect of importing goods, but no, they import the goods for free, they pay very little or no taxes, they run the bushaaros and stores and they hire poor, outrivaled vendors to sell their goods in the small shacks in downtown Hargeisa, Burco etc. to the poor working class who do not afford to shop in the Bushaaros. Just to name one example, I saw this poor woman who was selling fresh apples from the Netherlands and I was like :wtf: but then I connected the dots because she and some of the others were business affiliates with Oomaar who's one of the Oligarchs and he hired them after destroying their business.

No regulations whatsoever and they control the prices. It's raw Laissez Fair type capitalism in Somaliland where the Oligarchs are so greedy that even the few SL shillings, payed by the poor working class for overpriced and poor quality goods, matter.

Djiboutian oligarchs, most of them originally from Somaliland, also use Berbera port to unload goods for free.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”