
Mogadishu will be one step ahead of you here is why.
Somalia's own company building the nation
Shirkada Korontada Banaadir (BECO)oo Bilaawday In Ay Korontada Marsiiso Dhulka Hoostiisa

Shirkada Korontada Banaadir (BECO) ayaa markii ugu horeysay waxa ay bilaawday in ay dhulka hoostiisa marsiiyo Korontada si ay malaayiinta qof ee ku nool caasidamada Soomaaliya u siiyaan koronta awood leh qiimaheeduna jabanyahay.
Maamulka Shirkada BECO oo waayihii dhawaa waday dardar xoogan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa ay maalintii arbada ka bilaabeen degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir in ay fiilooyinka korontada Marsiiyaan dhulka hoostiisa iyaga oo balan qaaday in dhamaan degmooyinka gobalka ay ka hir geli doonaan adeegaan ay ku tayeynayaan awooda korontada ay bixiyaan.
Maamulaha Howlgelinta ee Shirka korontada Banaadir, Cawil Tooxow Kheyre, oo warbaahinta kula hadlay goobta ay ka socotay Howshu ayaa waxa uu sheegay in u jeedka ay korontada dhulka u gelinayaan ay tahay in ay macaamiishooda ka haqab tiraan koronta xoog leh oo loo isticmaali karo wax kasta oo loo baahdo.
Waxa uu yiri Cawil Tooxow Kheyre, “Sida caadiga ah korontada in la marsiiyo dhulka Hoostiisa ayaa saxan. Waxa aan ugu tala galnay in aan shacabka Soomaaliyeed gaarsiinno adeeg koronto oo dhameestiran. Maanta waxa aan ka bilaawnay Xamarweyne hasa yeeshee u jeedkeennu waxa uu yahay in dhamaan gobalka Banaadir aan sidaan oo kale dhulka hoostiisa u marsiinno korontada”.

Halka ay ka socotay howsha baaxada leh ee korontada dhulka lagu gelinayo ayaa waxaa ku sugnaa Injineero u shaqeeya shirkada oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib iyo sidoo kale shaqaale aad u badan oo u heelanaa shaqaa ay hayaan iyada oo mawaadiniinta Soomaaliyeed qaarkood oo aan wax ka weydiinnay sida ay u arkaan howsha socota ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin
Shirkada Korontada Banaadir ayaa tan iyo markii dhidibada loo taagay sanadkii hore waxa ay ku talaabsatay horumar la taaban karo iyada oo qiimi dhimis aad u baaxad weynna u sameysay macaamiisha laba jeer oo is xigtay, una balan qaaday in qiima dhimis kale ay sameyn doonto.
Laga soo bilaawo horaantii 1990-maadkii, xilligaas oo dowladii dhexe ay rideen hogaamiya kooxeedyo, ma jirin koronto dhulka lagu aaso, waxaana qorshahaan ay bilaabeen BECO uu muujinayaa in ay u guntadeen qaabkii ay adeega koronta ay u gaarsiin lahaayeen kan dunida horay u martay oo kale.
121314151617181920
Source:: BBC Somalia