Xamud. wrote:DR-YALAXOOW wrote:Xamud. wrote:Ditoore Yalaxow what's your take on USC? you seem to be anti-SNM, are you anti USC too.
IAM NOT ANTI SNM.. and USC was a failed organsation politically. and siyad bare was dictiator idiot and it was right in meesha laga tuuro.. laakiin what next after siyad bare was a disaster.
There was no planned political structure in place after the fall of MSB government, perhaps if USC focused more on state building than genocide they would have succeeded, and there would be no Somaliland today.
Abwaan Mohamed Ibrahim "Hadraawi" said it all in his poem "Gudgude". Most of SNM top ranking officers who I met agreed with his approach but other rebellions such as USC, SSDF and SPM didn't.
Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta
Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda
Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa
Cagta go’an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey
Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey
Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga
Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa
Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.
Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,
Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey
Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.
Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye