Madaxa shirkadan Yaasiin Muuse Boqor oo xafiiskiisa Bosaaso ugu waramay Puntlandnews24 oo wax ka waydiisay howlaha wadanka ay shirkadiisa ay ka qabato ayaa sheegay shirkadda inay ka jawaabtay baahiyo dhanka qalabka iyo gaadiidka oo ay soo codsatay hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka shaqaynta danaha bulshada sida furidda iyo hagaajinta wadooyinka oo uu diyaar u yahay inuu ku shaqeeyo si tabarucaad ah iyo dhaqaaleba , waxaana shacabka uu ugu baaqay inay ka dhabeeyaan isku tashtaan oo ay dad kale waxba ka sugin.
“Maanta waa Mudug , beri waa nugaal saa dambe waa Sool , tan ku xigto waa Sanaag , waa gobolka Bari aan isku tashano dhaqaale wax tari maayo dadkii gacmaha isqabada “ ayuu yiri Yaasiin oo u mahadceliyay dadkii keenay fikirka , waxaana intaasi raaciyay isagoo qalabkiisa kiraysan kara inuusan eegayn dhaqaalaha yar , balse ka muhiimsantahay in bulshada la caawiyo.
Solo Constraction ayaa waxaa horay amaan usoo jeediyay maamulada dowlada hoose ee degmada Bosaaso iyo garoonka Bosaaso , isagoo siwayn uga qaybqaatay oo tabarucaad furidda wadooyinka garoonka diyaaradaha Bosaaso gala iyo sare u qaadida nadaafadda magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Yaasiin Muuse ayaa qaba shirkadiisa mar inay ganacsato marna dadka ay si tabarucaad ah wax ugu qabato sida dhismaha wadada Wadaagsin oo ay hay’adda si tabarucaad ah uga qaybqaadanayso.
Yaasin Muuse Boqor









