
Maamul Goboleedkan cusub ayaa loogu magacdarayaa EASTLAND Waxaana ku bahoobaya Beelo badan oo degan Puntland, gaar ahaan Beelaha inta badan degan deegaanada Bariga fog fog.
Qaban qaabada shirweyanah iyo ergooyinka ka qeybgalaya kulankaas Maamulka cusub lagu yagleelayo ayaa socda, taasoo dhawaan si xoog leh u soo shaaxbixi doonto halka iyo madasha shirweynahaas uu ka dhici doono.
Ergadda iyo aqoonyahanada abaabulka wada maamul goboleedka cusub ee Eastland ayaa ugu baaqaya jaaliyadaha dibadda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka siiyaan dhismaha maamulka cusub ee Eastland oo gogashiisa Bariga Puntland dhawaan la fidin doono, qabanqaabbada dhismahuna ka bilaami doona insha allaahu.
Astaanta Calanka iyo Xeerka ku meel gaarka ah ayaa hadda ay u fadhiyaan diyaarintiisa Aqoonyahano si gaar ah loogu xilsaaray ka hor inta aanay ergooyinka isu imaan dhawaan, waxayna isku afgarteen aqoonyahanada astaanta calanka in uu noqdo sidan.
Guduud midabka Calanka Baluuga xidigta dhexda ku leh cadaan iyo cagaar.
Qariirada iyo map-ka dhulka Eastland waa la diyaariyey muuqaal ahaan waa idiin soo gudbinaynaa.
Source:
http://puntlander.com/2015/06/maamul-go ... -puntland/