
Jun 28, 2015 - jawaab
Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda Wararka ee Saadaal ayaa xaqiijinaya In shirka ay Ahlusunna soo qaban qaabisay ee ka socda Dhuusomareeb lagu dooranayo 1da Bisha soo socota Madaxweyne uu yeesho Maamulka G/dhexe Somaliya.
Shirka oo ay ka qayb galayaan Ergooyin badan oo ay ku jiraan kuwa Cadaado kasoo xanaaqay iyo kuwa kale oo Shirka iskood uyimid ayaa waxa ay maanta doorteen Gudiga farsamada ee Shirka wadaya.
Wararka hoose ee Radio Saadaal heleyso ayaa sheegaya in Marka kowaad Odayaasha ay dooranayaan Madaxweynaha kadibna lasoo xulayo Barlamaanka kuwaa ansixi doona Xukuumada uu madaxweynuhu soo dhisayo.
Arintaan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa ah qorshe ay ku doonayaan dhinacyada Dhuusomareeb ku Shirsan in ay uga hormaraan kuwa Cadaado ku shirsan oo 4ta Bisha soo Socota iyaguna dooranaya Madaxweynaha Galmudug.
wixii kusoo kordha xogtan waa inii soo gudbineynaa