Cabanglasan Bukidnon Philippine and Balcad shebelada dhexe ee Somalia sign Agreement twin city deal

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Cabanglasan Bukidnon Philippine and Balcad shebelada dhexe ee Somalia sign Agreement twin city deal

Post by THE_TRUTH1 »

Cabanglasan Bukidnon Philippine and Balcad shebelada dhexe ee Somalia sign Agreement twin city deal , They have the same landscape
Image
Degmada Balcad oo Mataano la noqotay magaalo ku taalla dalka Philipine +

Waxaa La Daabacay Friday, July 31, 2015, Noo Reeb Farriin webmaster@ceelmacaan.com
Sanadkan bilowgiisa ayaa golaha sharcidajinta ee degmada Calanglasan ee gobolka Bukidnon ee dalka philipine isku raaceen in ay la mataanoobaan (twin city) degmada Balcad ee gobolka shebelada dhexe ee Somalia. Go aankaasi kadib ayaa duqa degmada Calanglasan si rasmi ah ugu casumay gudoomiyaha Balcad mudane Maxamud Maxamad Maxamud in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka philipine si uu u saxiixo hashiiska mataaneynta ah labada magaalo.

Waxaa labada degmo heshiiska u kala saxiixay duqa degmada Calanglasan mudane Renande Inocando iyo gudoomiye Maxamud Maxamed Maxamud.
Heshiiskan ayaa noqonaya mid taariikhi ah madaama ay aheyd makii ugu horeysay taariikhda ee degmo Somalia ka mid ah ay la yeelato degmo wadan Asiya ku taalo. Gudoomiye Maxamud oo xaflada saxiixa heshiiska qudbad dheer ka jeediyey ayaa sharxay taariikhda Balcad iyo hurumarka ay sameysay dagmadiisa xaga nabadgelyada iyo wax-soosaarka beeraha.
Heshiiska mataaneynta ayaa waxaa labada dhinac iska kaashanayaa aqoontooda beeraha iyo waxbarashada madaama Calanglasan ay aad ugu horeyso beeraha.


Inta uu booqashada ku jiray gudoomiye Maxamud waxaa uu la kulmay iskaashatooyinka beeraleyda iyo masuuliyinta waxbarashada.
Sida aan la socono kadib bur burkii dowlada dhexe, Soomaaliya waxa ay
gashay heshiis mataaney ah labo mar, Mogadishu iyo istanbul, sidoo kale Bosaso iyo Minisota. Waxaa hada kusoo biirta degmada Balcad iyo degmada Calanglasan. Booqashada iyo heshiikaba waxaa kasoo shaqeeyey qurbo joogta reer Balcad.
Xafiiska Guddoomiyaha Degmada


Mhttp://www.ceelmacaan.com/degmada-balcad-oo-ma ... ne-sawiro/ Page 1 of 5
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”