Cagtii joogsan waydaa marbay ceebi la kulantaa

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Cagtii joogsan waydaa marbay ceebi la kulantaa

Post by bashe19 »

XOG KALE: Dacwadii Faarax C/qaadir oo gudaha u gashay madaxtooyada Soomaaliya



◾WARARKA UGU DOORKA ROON

Sidda Wakaaladda Wararka Sonna Daabacday ahaa in Magaca Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir la isticmaalay iyaddo lagu soo kireystay markab waday shixnad iyo daawooyin kaas laga soo raray dalka Iiraan kuna sii jeeday Dalka Yemen gaar ahaan dhanka Xuutiyiinta maamulaan.

Sidda Wararka ay sheegayaan markabkan oo laga soo qabtay Xeebaha u dhow Yemen ayaa markii dambe kusoo xirtay Dalka Jabuuti halkaas baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay , iyaddo markii dambe la ogaaday in markabkan uu u raran yahay He’yadda Islamic Foundation Magac ahaana lagu qorey Xildhibaan Faarax Sheekh C.qaadir.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in markabkan uu leeyahay nin lagu magacaabo Xuseen Salaad walaalo yihiin Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxtooyadda Soomaaliya Mahad Salaad , iyaddo baaritaan dheer kadib lagu ogaaday in Magaca la isticmaalay ee faarax Sh C.qaadir iyo Document ahaan uu gudbiyay Wasiiru-Dowlaha taas keentay in magaca la isticmaalo.

Kadib markii uu ogaaday faarax Sh C/qaadir in magaciisa la isticmaalay ayuu dacwad u gudbiyay Xeer ilaaliyaha qaranka taas iyadana muujinayso shaki ah in Faarax uu uga shakisan yahay in magaciisa isticmaaleyn masuuliyiin kamid ah dowladda Soomaaliya , Kiiskan ayaa hadda gudaha u galay madaxtooyadda Soomaaliya , iyaddo Dowladda Jabuuti ay kasugeyso faarax cadeyn ah in markabkan isagga u raran yahay iyo in kale.

Sidoo Kale Dowladda Sacuudiga ayaa kiiskan faraha kula jirto madaama markab laga leeyahay dalkooda uu soo qabtay markabkan caawimaada u waday Xuutiyiinta Yemen dagaal kula jira dowladda Yemen Iyo Sacuudiga.

Dhinaca kale lama ogo halka uu ku dambeyn doono Kiiska Faarax Sheekh C.qaadir, iyaddo kiiskan uu saameyn weyn ku yeelan karo Kooxda Damjadiid ee taladda dalka hadda hayso isla markaana xilligu ka sii dhacayo.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

HSM replaces Head of NISA, Tuuryare with Gafow

Post by TheblueNwhite »

8-)
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Cagtii joogsan waydaa marbay ceebi la kulantaa

Post by bashe19 »

advanture continou

:dj:






https://youtu.be/2IS2qgfCdbY
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Cagtii joogsan waydaa marbay ceebi la kulantaa

Post by bashe19 »

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya eedeymo loo jeediyay Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir



CAGTII JOOGSAN WAYSAA MARBEY CEEB LAKULANTAA

Markab la sheegay inuu Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir u kireysan yahay isla markaana ku xiran dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo baxaya warar aan si buuxda loo xaqiijin, iyadoo iminka kiiskaan madaxda dowladda ee ku lug yeelaneysa sii kordhayaan.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ku lugta yeeshay ay ka mid yihiin Xildhibaano, ganacsato, kuwaasi oo Madaxweyne Xasan ay isku beel yihiin.

Xildhibaanada fadeexadaan ku lugta yeeshay waxaa ka mid ah: Xildhibaan C/llaahi Caddow, Xildhibaan C/raxmaan Kampala iyo Xildhibaan Gadafey.

Dhinaca kale wararku waxay intaasi raacinayaan in markab la yiraahdo MV Libert lagu qaaday Madaxweyne Xasan, si su’aalo looga weydiiyo arrintaan waxa uu kala socdo.

:ufdup: JUST START THIS CASE..
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”